Baarlamanka Somalia oo ku gacan seydhay in 2 bilood lagu kordhiyo waqtiga doorashooyinka

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku gacan seyray in muddo laba bilood ah lagu kordhiyo xilliga ay dhacayso doorashada sannadkan 2016-ka la filayo inay dalka ka dhacdo. Diidmada baarlamanka ayaa timid kadib markii Codsi arrintan ku saabsan ayaa waxaa baarlamanka u gudbiyay RW Somalia Cumar C/rashiid oo shalay la hadlay xildhibaanada. RW Shama’arke ayaa sheegay inuu kala hadlay arrintan guddoonka baarlamanka Somalia, isagoo xusay in tani ay imaan karto haddii cillado dhanka farsamadaha ay yimaadaan, inta hawsha doorashada lagu jiro. “Waxaa rajeyneynaa inaan doorashada ku qabanno xilligii loogu talo-galay, laakiin haddii ay dhacdo iyadoo la shaqeynayo ay dhinaca farsamada wax ka suuro-geli waayaan waqti ayaa loo baahan doonaa. Aniga iyo guddoonka baalamaanka ayaa wadahadalnay arrintan,” ayuu yiri Sharma’arke. Codsiga RW Somalia ee la diiday ayaa ku qotomay in doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka bisha September ee sannadkan dib loo dhigo illaa bisha December ee isla sanadkan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here