Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in wadahadalo khadka Telefoonka ah uu dhexmaray Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo CALI KHALIIF GALAYDH iyo Siyaasiga ay sida aadka ah isaga soo horjeedaan BAASHE CALI JAAMAC, oo ah ninkii Abaabulay Shirarkii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE, kuwaas oo dhabar jab ku noqday sheegashadii Cali Khaliif sheegan jiray inuu metelo dhamaan degaamada iyo shacabka SSC oo uu doonayey inuu heshiis hoosaad kula galo Somaliland. Qodobda ay ka wadahadleen waxaa ka mid ah: MIDNIMADA BEESHA DHULBAHANTE: Baashe Cali Jaamac wuxuu Cali Khaliif u cadeeyey inuu soo dhoweynayo, diyaarna u yahay ka wadashaqaynta midnimada Beesha Dhulbahante, haddii aanay ahayn mid mudo kooban, oo dhan gaar ah lagu fushanayo. WADAHADALADA KHAATUMO IYO SOMALILAND: Baashe wuxuu sheegay in 1960 talada qolo gaar ahi qaadatay, sideetameeyadiina qolo gaar ahi dagaalantay, sagaashameeyadiina qolo gaar ahi goosatay, maanta oo kala guur lagu jiro waxaan aaminsan ahayn in Reer Somaliland ama Waqooyi ay wax isku ogaadaan oo ama israacaan ama kala tagaan oo ay arintu noqoto(ALAALOW WAA EED LA’AAN). Baashe Cali Jaamac ayaa la sheegay inuu saluug ka muujiyey heshiisyada aan cadayn iyo wadahadalada caatada ah ee Adisababa iyo Jabuuti ka dhacay, wuxuuna sheegay inuu doonayo; In Qodobada laga wada hadlayaa ay noqdo kuwo ku yimid talada shacabka, koox gaar ahina ka talin karin, ay noqdaan kuwo cad, qeexan, aan qarsoodi ahayn oo degaamada oo dhami ku qanacsan yihiin, loogana wada hadlaa siday u kala horeeyaan, tusaale ahaan.
- Waa in lagu bilaabaa Mustaqbalka Somaliland iyo siday u ekaanayso, haddii lagu heshiiyona waxaa ku xiga.
- SAAMI-QAYBSI 50% Madaxda dalka ugu saraysa, Xukuumada iyo Wasaaradaha Muhiimka ah, Goleyaasha, Khayraadka dabiiciga ah, horumarka, hayadaha Madaxa banaan, Ciidamada, shaqaalaha iwm.
- Dastuurka Somaliland oo laga saaro wixii mud daro ku ah Gobolada SSC, ismarkaana lagu daro heshiisyada cusub.
- In Goleyaasha lagu yeesho diidmada qayaxan VETO hadii la keeno qodob ka hor imanaya ama wax u dhimaya xuquuqda degaamada iyo shacabka SSC.
- In la laalo dhamaan heshiisyada iyo liisamada ganacsi ee caqabada ku ah ganacsatada SSC, si looga digtoonaado caqabada ka dhalatay Cable degaanka Higlada lagu horjoogo ee ay wataan Ganacsato SSC.
- In Haddii heshiis la galo islamarkiiba la fuliyo, oo kuwa kuraasta Somaliland ugu sareysa ku fadhiya laga kiciyo, Xubnaha Isxambaarka ah ee Goleyaasha Wakiilada iyo Guurtida fadhiya oo aan shacabka metelin laga baneeyo iwm.