Badhasaabka G Sanaag SL oo u dhaqmaya sidii kuwii kacaanka iyo Caaqil Dabaare oo qool ugu jira

0

Halkan ka akhriso hadalkii Caaqil Dabaare. Falalka noocan oo kale ah ayaa waxay ka mid yihiin sababaha ay Jamhaddii SNM sheegi jiraty inay dagaalkii hubaysnaa ku kalifeen. Dhanka kale Dawlada Federaalka iyo Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyey Somaliland ku eedaynayey inay isir ahaan Cadaadis iyo Cabudhin ugu hayso shacabka Dhulbahante, oo ay sheegeen inay taageersan yihiin midnimada Soomaaliyeed. Xadhiga Caaqil Dabaare ayaa imanaya xili ay degaamada SSC si toos ah taageero hiil iyo hooba leh isula barbar taagayaan Maamulka Puntland, arintan oo kale iyo wax la mid ah ayaa loo tirinayaa inay fududeeyeen in shacabkaasi ay dib uga maagaan Somaliland. Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka aamusan xadhiga, cadaadiska iyo cagajugleynta Caaqilkaas lagu hayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here