Banaanbax rabshado isu bedelay oo Bosaso ka dhacey

0

Magaalada Bosaso ayaa waxaa ka dhacey dibadbaxyo rabshado wata iyadoo wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac jiro. Waxaa magaalada bartamaheeda laga maqlayey dhawaaqa rasaasta iyadoo ciidamada amniga ku howlan yihiin sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas. Wararku aan heleyno ayaa sheegaya in dibadbaxaan ka bilowdey dhalinyaro u mudahraadeysa nin la yiraahdo Cabdicasiis Farax Xaaji Siciid oo ciidamada amniga maalintii shaley xireen. Cabdicasiis ayaa laga xirey kulan la sheegey in koox dhalinyaro ah ku lahaayeen bartamaha magaalada kuwasoo hay’adaha Dowlada ka shakiyeen iney banaanbaxyo diyarinayaan. Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bosaso halkaasoo la sheegey in ku mashqulsanaa maalmihii la soo dhaafey cabashooyin ka imaanayay beelaha Degaanka gobolkaas.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here