Barakac iyo duqeymo ka socda CeelCadde

0

Wararka ka imanay deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xooggan isla markaana ay ciidamada dalka Kenya wadaan Duqaymo xagga cirka ah. Deegaanka Ceel-Cadde ayaa Jimcihii hore kooxda al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen Ciidamada Dalka Kenya halkaas oo ay ku dileen askar u dhalatay dalka Kenya. Ciidamada Kenya, ayaa talaadadii dib ugu laabtay CeelCadde, ayaga oo sheegay inay ugaarsanayaan kuwii ka dambeeyey weerarkii askarta badan looga dilay. Haddaba dadka Deegaanka ayaa VOA uga waramay sida xaalku haatan yahay. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Axmed Cali Gamadiid oo ka mida odayaasha deegaanka isla markaana dhawaan ka soo laabtay deegaanka Ceelcadde. Barakac ka socda CeelCadde: ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here