Mudanayaasha barlamaanka Federaalka Soomaaliy ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay miisaaniyadda dowladda ee sadexda bilood ee soo socota, kadib markii wasiirka cusub ee Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu mudaniyaasha golaha ka codsaday in ay fursad u siiyaan si uu u keeno xisaab celinta miisaaniyadda sanadkii tagay isla markaana muddo sadedx bilood ah la siiyo. Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari) xildhibaanadu waxay ka doodeen nuqulo loo qaybiyay ee odoroska miisaaniyadda, waxayna inta badan xildhibaanadii goobta ka hadlay ay sheegeen in ay ku qanacsan yihiin in wasiirka cusub fursad loo siiyo si uu u soo diyaariyo miisaaniyad la jaan go’an baahida dowladda isla markaana mugdi ku jirin.
Doodaas kadi, waxaa miisaaniyadda u codeeyay 141 mudane oo kulanka fadhiyay, kuwaasoo aqbalay miisaaniyadda sadexda bilood ah oo wasaaradda maaliyadda ay codsatay. Wasiirka maaliyadu wuxuu sheegay in Odoroska Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017 ay noqonaysa labo boqol iyo lixdan milyan Dollar (US$ 267,544,364 ), iyadoo miisaaniyaddan 60% ay ka imaaneyso dhakhliga gudaha ka soo xarooda iyadoo inta kale ay tahay kaalmooyin dowladdu ka hesho saaxiibadeeda caalamka. Goojacade.com Muqdisho-Somaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com ]]>