Barlamaanki Dhaxaltooyada “Puntland”[Qormo]+Baaq ku Waajahan Shacabweynaha Reer Puntland.

0

 
Sideed sano kadib (2004tii) ayaa waxaa dhamaaday cimrigii loogu tala galay Baarlamaanka Puntland waxaana loo baahday in lasoo xulo xildhibaano, waxaa dib loogu laabtay Isimadii Beelaha waxayna soo xuleen xidhibaano u badan dadkii ay horay usoo xuleen sanadkii 1998kii , waxaa kol kale soo laabtay xubno badan oo aan buuxin Karin shuruudaha xildhibaanimada ee dhanka cilmiga mamulka maadaama shardiga qura ee lagu xiray markii lasoo xulayey u ahaa inuu Beesha ka dhashay uuna so diray Isimkii saxda ahaa. Sidoo kale (2008) Xildhibaanadii lasoo xulay waxay noqdeen kuwo soo seddex noqday amase labo noqday, waxay taasi curyaamisay heerkii waxqabad ee laga filayey golaha Baarlamaanka, waxay noqdeen dad aan fahansanayn masuuliyadda saran iyo waxa ay uga gola fadhiyaan dadka ay matalaan, waxay noqdeen kuwo u kala tartama madaxtooyada taasne way sii marin habaabisay. Mudadii 15ka sano ahayd ee Aqalka Baarlamaanka Puntland dhisnaa ma jirin wax weyn oo iska badalay wajiyadii soo fadhiyey, waxaa isbadalay oo qura Mudanayaashii dhintay oo wiilashooda lagu badalay, taas macnaheedu waxa weeye inaan la fahansanayn muhiimada xildhibaanimada ee loo joogo oo qura in laga helo masaariifta reeraha. Seddex xukuumadood  kadib dadka reer Puntland waxay filayeen inay cododkooda dhiibtaan oo ay soo doortaan xildhibaano si dhab ah u matala, Golahana laga daayo gole dhaxaltooyo loona badalo gole si dimuqraadi ah ku yimaada. Ciddii doonta dhaliisha ha yeelatee ma suurta galin in shacabka fursad la siiyo oo ay soo doortaan dadka matalaya, waxaana dib loogu laabtay Isimada Puntland si ay usoo xulaan xildhibaanadii dooran lahaa xukuumadda cusub ee la filayo sanadka cusub. Inkastoo uu jiro baraarug weyn, xaaladuna ay ka xamaasad badantahay kolalkii hore, lana sameeyey urur siyaasadeedyo badan oo aqoonyahano iyo qurbo joog hoggaaminayso hadana mastaradii Isimadda ay wax ku cabiri jireen isma badalin, ma jirto cabir la isticmaalayo oo aan ka ahayn qabiilka ma kasoo jeedaa, hadii sidaas ay noqotane waxaa soo laabanaya in badan oo kamida xildhibaanadii dhaxaltooyada iyo dad badan oo hanan Karin masuuliyadda shacabka ka saran. Talo soojeedin: Waxaa ugu haboon in haatan Baarlamaanku meel mariyo lifaag qeexaya shuruudaha laga rabo ruuxa nqonaya xildhibaanka, laguna xiro inuu haysto ugu yaraan heerka koowaad ee jaamacadda (First degree), da’diisu aysan 60 sano kaweynayn, 25 sanona ka yarayn. Ma filaayo in baarlamaanka hadda joogaa ay samaynayaan midaan waayo in badan oo iminka damac soo laabasho hayo sharuudahaan ayaa reebaya. Waxaa kaloo samayn kara shuruudahaan Guddiga Xulista Baarlamaanka ee la filaayo inay soo kala magacaabaan Xukuumadda iminka jirta iyo Musharixiinta madaxa banaan sidii caadada hayd, hadii lasoo xulo xubno aqoon ku filan leh waxay saamayn wanaagsan ku yeelanaysaa shaqada Golaha wakiilada ee ah la xisaabtanka, hagidda iyo sixidda xukuumadda. FG:Shacabka Reer Puntland ee Kuraasta Ku Leh  Puntland waxaa loogu baaqaya in Ay Sanadka Soo Socda Isbadel Muuqda Golaha ku Soo kordhiyaan uuna soo Dhila dhansadaan Sidii Mudanihi  Sifooyinka Sharci Daraada ahaa ku soo noqnoqanjiray degaankisana aan wax Taari jirin ay Karkaarka uu weydaarin lahaayen.   Goojacade.com Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here