BEESHA AADAN CALI OO KA BAXDAY HESHIISKII AWRBOOGEYS IYO ADHICADEEYE IYO GOGOSHA SIILAANYO EE BURCO

0

WARSAXAAFADEED BEESHA AADAN CALI: Waxaa maanta oo bishu tahay 26.8.2016 Shir ku yeeshay Beesha Aadan Cali ee Maxamuud Barri. Wadatashi dheer ka dib: Markii ay Beesha u cadaatay in Heshiiskii Shirkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye qaar kamida dadkii waday dariiqii loogu talo galay ka leexiyeen oo ku derajo doonteen, islamarkaana ay ku waxyeeleeyeen masuuliyiin kale oo Beesha ka tirsan sida Cali Sandule. Kadib markii qaar ka mid ah Cuqaashii saxiixday ay balantii ka baxeen oo dhaqaale gacansaar ah ay ka qaateen Maxamuud Xaashi, iyadoo balantu ahayd diiwaangelinta dabadeed. Kadib markii ay Muuqatay in dhinacii heshiiska lala galay aanay diyaar ahayn oo ay dadkii kala furfureen, qorshohoodiina u muuqday qaybi oo xukun. Beesha Aadan Cali waxay goaan ku gaadhay inay ka baxdo Heshiiskii Shirkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye. Sidoo kale Beesha Aadan Cali waxaa u muuqatay in heshiiskii Awrboogeys lagaga tegay in lagu xuso Xasuuqii Kalshaale oo ay ahayd in Raaligelin iyo Magdhow laga bixiyo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku waxyeeloobay. Dhanka kale kooxda Cali Khaliif ee Caynaba Somaliland kula shirtayna ay ku fashilmeen inay soo hadal qaadaan oo xusaan xasuuqii Kalshaale. Sidaasdarteed Beesha Aadan Cali waxay go’aansatay in aanay ka qaybgelin gogosha uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay bisha oktoobar ee Burco ilaa raaligelin iyo Magdhow laga bixinayo dadkii ku dhintay ama ku waxyeeloobay iyo khasaarihii kale ee xasuuqii Kalshaale. Ugu dambeyntii waxaan canbaaraynaynaa labada Xildhibaan ee Isxambaarka ka ah Somaliland oo aan cidna metelin ee magaca beesha ku qudhaabta Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (indho-indho), waxaana ka codsanaynaa haday wax qaban karaan inay labadooda qoys heshiisiiyaan oo aanay ku mashquulin beelaha kale. Wabilaahi Towfiiq: 0dayaasha iyo Waxgaradka Beesha Aadan ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here