Beesha Gaboobe oo Digniin iyo kalsooni kala noqosho ka soo saartay Cali Khaliif

0

BAAQ KU WAJAHAN KOOXDA KHAATUMO EE GARABKA CALI KHALIIF Hadaanu nahay Jaaliyada ama Qurba jooogta beesha Mahamed Mahamuud Ugaadhyahay (Gaboobe) waxaanu halkan baaq kuga diraynaa kooxda Balicad ee shaqada kadhigatay qaybinta, Fadqalada, qabyaalada, nin jeclaysiga, talo maroorsiga iyo iska horkeenka bulshada reer {SSC} iyo dadka Somliyeed ee ay oodwadaagta yihiin. waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka waan toobaan talo xantoobsiga iyo Jahwareerinta bulshada walaalaha ah ee Dhulbahante. Shir balaadhan oo Jaaliyada GABOOBE yeelatay markay ahayd 02/10/2015 shirkaasoo lagu faaleeyay Xaaalad guud iyo Tagaar ahaaneed ee deegaan keena (SSC). waxaa Lagu gaadhay qodobadan hoos kuqoran. 1. waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraynaa ehelada iyo qaraabadadii dadkii kudhintay Qorilay 2. Wax la aqbali karo maaha mana yeelayno in koox yari talada iyo masiirka umada SSC ay ula dusto maamulka Hargays 3. Gudiyo ku sheega ay samaysteen kooxda Cali umada deegaan ka SSC iyo Beel waynta Dhulbahnate yeelimayso kumana matashaan. 4. Waxaanu ku cabaaraynayanaa is hortaga halganka iyo dib u xoraynta deegaamada cadowgu haysto oo ay ka door bideen wadahadalo madhalaysa. 5. Waxaanu sidoo kale ugu baaqaynaa madaxdhaqameedka iyo dhamaan waxgaradka SSC in laga dhiidhiyo marxalada adag ee lagu jiro dhakhsana laysugu yimaado talo lagu qaato mowqif midaysan 1. Cabdirashiid Maxamed Falaalug 2. Cabdilaahi Maxamed Falaalug 3. Musa Abdisanjar 4. Wardi Axmed Xarfo 5. Aadan Nuur Muuse 6. Maxamuud Beerlaawe 7. Axmed Nuur falaalug 8. Nuur Falaalug 9. Cabdiqani Muusa Xasan 10. Maxamuud Axmed Maxamed 11. Jaamac Baruur 12. Axmed Maxamed Falaalug 13. Axmed Muuse Cali 14. Cabdicasiis Wargef 15. MAxamed Calidhuux 16. Axmed Xuseen 17. Maxamed Jamaac Ciise 18. Ismaaciil Jaamac Ciise 19. Maxamud Aw cali Ciise 20. Iimaan Axmed Xarfo 21. Jamac Salwe 22. Unuun Diiriye 23. Abdirisaaq Cumar Cismaan ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here