Beesha SSC oo aan waxba ka helin 9 wasiir oo Gaas ku kordhiyey dawladiisa iyo wasiirada la kordhiyey oo G/Mudug u badan

0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muddo bil gudaheed ah golihiisa wasiiradda ku kordhiyey 9 wasiir oo cusub, halka kuwo hore u banaanaana uu buuxiyey. Tiradda 9 Wasiir ee Gaas ku kordhiyey Wasiiradiisa oo guud ahaan tiradoodu gaadhayso 60 xubnood oo ka kooban Wasiiro, W/xigeeno, iyo Wasiiru-dawlayaal ayaanay dadka kasoo jeeda SSC hal xubin ka helin. Marka laga yimaado wasiiro boosaskooda la buuxiyey ama la isku bedelay tiradda wasiiradda cusub iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan ayaa kala ah:- 1. Cabdikhadar Faarax Shaaciye (Wasiirka Dibudhiska iyo horumarinta, Reer Maxamuud, G/Mudug). 2. Yaasiin Cabdi Seed (W/dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, Cumar Maxamuud, G/Mudug). 3. Burhaan Cilmi (W/dawle madxtooyada, Daanweyne, G/Mudug). 4. Cabdiweli Saciid Cilmi (W/dawlaha Xanaanadda Xoolaha, Carab Saalax, G/Mudug). 5. C/Fataax Ashkir Nuur (W/dawlaha warfaafinta, G/Mudug). 6. Crashiid Cali Geelle (W/dawlaha Amniga, Warsegeli, G/Sanaag). 7. Cfataax Xasan Xuseen (W/xigeenka Caafimaadka, Leelkase, G/Mudug). 8. Cweli Maxamed Yuusuf (W/xigeenka hawlaha guud, C/raxiim Saleeban, G/Karkaar). 9. C/risaaq Cumar Ismaciil (W/xigeenka warfaafinta, Cali Saleban, G/Bari). Sida ka muuqata shaxda tirada Wasiiradda Puntland lagu kordhiyey Hal bil gudaheed oo dhan 9 Wasiir ayay 6 ka mid ahi kasoo jeedaan Gobolja Mudug oo Madaxweyne agaas kasoo jeedo. Sadbursiimadan Gaas siiyey Gobolka Mudug ee uu kasoo jeedo beel ahaan ayaa la mid ah qorshe kale oo uu sadbursiimo baarlamaan ugu raadinayey Gobolka Mudug oo ay 5 ka mid ahi ahaayeen xubnihii uu dalbaday in lagu kordhiyo baarlamaanka Puntland, walow arintaas uu kala kulmay diidmo xoogan. Xildhibaanadda iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha SSC ee ku jira Maamulka Puntland ayaanay intoida badani wax Dan ah ka lahayn tixgelin la’aanta beeshooda kaga imanaysa maamulka ay ka tirsan yihiin. Waxayna inta badan ku mashquulsan yihiin sidii ay kuraasida ugu sii fadhiyi lahaayeen sifo musuqmaasuq, Hunguri raadin, Caaglaysi mucaawamo iyo wax la mid ah. Fiiro Gaar ah: C/raxmaan Barkhadle Warsame wuxuu buuxiyey Wasiirkii uu iska casiley Maxamuud Soocadde.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here