Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Boko Xaraam caruurta ay u isticmaasho weerarada is qarxinta ay korshisay toban jibaar sanadkii hore. Hayadda Qaramada Midoobay ee daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in afartan iyo afar caruur loo isticmaalay inay ku qaadaan weerar Cameroon, Chad iyo Nigeria sanadkii hore, markii la barbardhigo 2014. Waxay sheegtay shantii qof ee isqarxisa in hal uu yahay caruurta hadda, iyadoo 75% ay yihiin gabdho. UNICEF ayaa sheegtay in gabdhaha inta badan la siiyo maandooriye. Kadib waxaa lagu xiraa jirkooda waxyaabaha qarxa, oo lagu qasbaa inay is qarxiyaan.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.