Boliska Turkiga oo qabtay 2qof oo Ismiidaamin rabay sanadka cusub

0

Booliiska dalka Turkiga ayaa fashiliyay weeraro ismiidaamin ah oo la doonayey in laga fuliyo Magaalada Ankara inta lagu guda jiro dabaaldega sanadka cusub. Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliiska Magaaada Ankara ayaa lagu soo qabtay labo in oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaa oo doonayay in ay fuliyaan weeraro ismiidaamin ah, waxaana ragan laga soo qabtay Xaafada Mamak ee Magaalada Ankara. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay waxyaabaha qarxa sida jaakado iyo suumaan waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen, waxa ay sidoo kale ciidamada qabteen kiimikooyin laga sameeyo waxyaabaha qarxa. Xafiiska xeerilaalinta Magaalada Ankara, ayaa sheegay in ragan la qabtay ay doonayeen in weeraro ismiidaamin ah ka fuliyaan goobo kuyaala magaalada Ankara inta lagu guda jiro dabaal dega sanadka cusub, waxaana ragan hada la xiray ku socda baaritaano. Magaalada Ankra ee Caasimada Turkiga bishii October ee sanadkan waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah, kaa oo galaaftay nolosha dad ka badan 100-qof, weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Kooxda Daacish.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here