Boobkii Xukuumada Siilaanyo oo u soo wareegay Degmada Xuddun iyo Buur Caanood

0

Sida uu noo xaqiijiyey Cismaan Xuseen Gurxan (Cismaan Kalash), oo ah siyaasi ku sugan Magaalada Hargeysa, waxaa saacadaha fooda inagu soo hayo degaanka Degmada Xuddun iyo Buuraha ku teedsan ee (Buur caanood iyo Shiilo Madow) ka bilaaban doono baadhiso iyo sahamin macdan iyo shidaal oo ay fulinayaan Shirkado sharcidaro ah oo Wasaarada Macdanta ee Somaliland kula heshiisay. Baadhistan iyo Macdan Gurashadan ayaa Somaliland mudo dheer u diyaargaroobaysay, iyagoo diyaariyey ciidamo xoog ku fuliya, islamarkaana cagta mariya wixii ka horyimaada. Dhowr qof oo degaamadaas ka soo jeeda ayaa la sheegay in shalay horbaxanyo loogu diray degmada Xuddun iyo nawaaxigeeda si ay dadka degaanka uga dhaadhiciyaan in iyaga wax loo qabanayo oo ceelal biyood loo qodayo. Xukuumada Siilaanyo ayaa Shirkada shidaalka DNO oo xarunteedu tahay Norway kula heshiisay inay degmaadaas baadhato RIIX HALKAN HESHIISKII Boobka sharcidarada ah ee Xukuumada Siilaanyo ayaan ahayn mid cusub, horey ayey degaamo badan oo Somaliland ka tirsan qandaraasyo dad ehel ah lagu naas nuujinayo ugu siiyeen, degaamadaas oo u badnaa Galbeedka Somaliland. Cismaan Xuseen Gurxan (Cismaan Kalash) oo la hadlay shabekada xaysimo.com ayaa sheegay in Xukuumada Siilaanyo ay Galbeedkii Somaliland soo laasatay, hadana ay u soo dhigtay Sool iyo Sanaag, isagoo shacabka degaanka iyo Qurbejoogtaba ugu baaqay in meel looga soo wadajeesto boobka sharcidarada ah ee degaamadeena ku soo fool leh. “Hawlgalkii waa bilowday oo hadaba dadbaa la diray, waxaana la isticmaalayaa Xoog iyo Ciidan, waxaana la qaadanayaa dhagax kasta oo dhulka dushiisa yaal, marka dadka la xasiliyana waxaa imanaya qalabkii waaweynaa oo farabadan” ayuu yiri Cismaan Kalash. Kalash ayaa hadalkiisii ku soo gebagebeeyey bal aan aragno xooga lays taawiyey meesha uu ku dambeeyo. XIGASHO xaysimo.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here