Booliiska Mandheera oo sugaya amar maxkamadeed oo ay ku soo qufaan xabaalwadareedyo

0

Waxaa la filayaa in booliiska Mandheera uu helo amar maxkamdeed oo lagu soo qufo qubuuraha la tuhunsanyahay in ay ku jiraan maydad. Waxaa halkaasi gaaray hogaamiyeyaasha laga soo doorto degmadaasi, saraakiil ka socota haya’daha u dooda xaquuqul insaanka iyo dhaqaatiir ku takhasustay baaritaanada maydadka. Axaddii ayaa meel 30 km u jirto magaalda Mandheera waxaa laga helay maydka qof dumar ah oo shan caruur ah dhashay. Isbuuc ka hor ayaa laga kaxaystay xarun ganacsi oo ay ku lahayd gudaha magaalda Mandheera. Waxaa jira tuhun ku aadan in laamaha amaanku ay ku legleeyihiin dadka lawaayo iyo dilalka qarsoodiga ah, balse laamaha ammaanku marar badan ayay beeniyen eedaymahaasi.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here