Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay 81 qof oo Al-Shabaab looga shakisan yahay

0

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee la soo dhafay ay gacanta ku soo dhigeen dad gaaraya 81 qof oo intooda badan lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Boolisku waxaa kale oo uu sheegay in ay gudaha magaalada Muqdisho ka soo qabteen maandooriyaha xashiishka iyo dad ay sheegeen in ay ka ganacsanayeen.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo maanta shir sharaa’id ku qabatay magaalada Mudisho ayaa sheegtay in boolisku ay gacan ka heleen shacabka, taana ay u sahashay in dadkaasi la soo qabqabto.

“Xalay saqdii dhexe waxaa la soo qabtay 60 ruux oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaabnimo kaddib markii ciidammada ay howlgal baaxad weyn ka sameeyeen deegaanka Waydow iyo agagaarkiisa,”

Hadalka Sareeyo Guuto Zakiya ayaa ku soo beegmaya xilli maanta qarax miino uu ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Weerrarkaas ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dad rayid ah iyo askar halkaasi maraysay.

Meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa ah aaggii ay xalay howlgalka ka sameeyeen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya.

Hasayeeshee Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen waxa ay u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay si dhaw ula shaqeeyeen: “waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyeen hay’adaha amniga, farriimaha ay inoo soo direen ayaa inoo suuragaliyay dhammaan howlgallada aannu fulinay iyo dadka aan soo qabannay.”

Xoojinta ammaanka Muqdisho

Dhanka kale duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) oo guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Wasiirka Amniga, taliyayaasha ciidanka ammaanka iyo xubnaha maamulka magaalada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan ammaanka magaalada.

Inj. Yariisow oo la hadlayay warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay “Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah iyo guulo wax ku ool ah oo la gaaray muddooyinkii la soo dhaafay, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka ay hubaal tahay in lagu guuleysanayo xasilinta caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here