Booliska Bilgium oo gacanta ku dhigay nin loo tirinayey weeraradii Brussel

0

Mohamed Abrini oo ay booliska Bilgium-ka u doon-doonayeen weeraradii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels, gaar ahaan weerarkii garoonka diyaaradaha ayaa lasoo warinayaa in maanta gacanta lagu dhigay. Abrini ayaa ka mid ahaa saddexdii ruux ee kasoo muuqday kaamiradaha garoonka, iyadoona labadii la socotay ay isku qarxiyeen garoonka, isna qarixii uu waday uu uga cararay gudaha garoonka, sida ay sheegeen boolisku. Ninkan ayaa waxaa sidoo kale looga shakisan yahay in uu ku lug-lahaa weeraradii bishii Novembar ee sano hore ka dhacay caasimadda dalka Fransiiska ee Paris.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here