Boqor Dabagooye''Koox Qowleysto Dhaqan ah iyo Madaxweynaha Puntland ayaa Si Jujuub ah Kursigi Beesheyda Uga Qaaday[DHAGEYSO]

0

 Boqor Cabdullaahi Axmed Cali (Dabagooyo) oo kamid ah Isimadda Puntland ee ka soo jeeda gobalada Sool & Cayn ayaa si dhaw u soo dhaweeyey go’aankii ay gaartay maxkamadda Sare ee Soomaaliya, taas oo ay ku laashay kuraasta 8 Xildhibaan oo kamid ahaa baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya. Boqor Dabagooyo ayaa sheegay in ay mudo dheer wadeen dacwadan ayna ka shaqeeyeen sidii looga hortagi lahaa musuqmaasuq kasta oo dhacay, doorashada kuraastaana dib loogu laaban lahaa, taas oo uu sheegay in ay cadaaladdu ku jirto.

Boqorka ayaa cadeeyey in looga baahan yahay Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya,  in ay tixgaliyaan go’aanka Maxkamadda Sare, taas oo ah arrin uu sheegay in ay waajib tahay. Isku Soo wada Duubo Koox Qowleysto dhaqan ah Iyo madaxweynaha  Puntland ayaa sida La Ogsoonyahay Kursigi Beesha Hayaag ee DFS Uga Qaaday  iyaga oo sii Si Badheedho ah uu Siiyey Shakhsi uu Dabada Ka Riixayey Xubin ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo  Ay Qoys Hoose Yihiin mudanahaas. DHAGEYSO CODKA BOQORKA:- http://www.puntlandtimes.net/wp-content/uploads/2017/05/Dabagooyyo.mp3   Goojacade.com Garowe-Puntland Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here