Boqor Sacuudiga oo amray in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo qorshaha xajka iyo Iran oo eedaysay

0

Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo qorshaha Sucuudiga ee xajka, kaddib markii in kabadan 700 oo qof ay ku dhinteen ciriiriga iyo isriixriixa Mina, in kabadan 850 qof oo 1000 kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo Tv-ga uga tacsiyeeyey eheladii dadku ay ka dhinteen. Iiraan oo ka hadashay arrintan ayaa waxa ay Sucuudiga ku eedeysay, inaysan badqab ku filan u fidinin dadka Xujayda ah. Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in maamulka Sucuudiga ay si khalad ah u maareeyeen xajka. Wareysi uu siiyay TV- Iiran laga leeyahay, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran, Hossein Amir Abdollahia waxa uu si aad ah uga hadlay dhimashada ka dhacday Jamaraatka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here