Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Britain ayaa ku gacan seyray baaq ka soo yeeray Donald Trump oo dowladda Britain ka dalbaday inay wakiilkeeda Washington u magacowdo Nigel Farage oo hormuud u ahaa kooxdii ka dambeysay ololaha ay Britain uga baxeyso Midowga Yurub.
Xafiiska ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa sheegay in jagadaasi hadda aysanba banaanayn.
Wasiirka dowladda Britain u qaabilsan ka bixitaanka Midowga Yurub David Davis ayaa sheegay in safiirka Britain ee Maraykanka Sir Kim Darroch uu yahay safiir aad u fiican sanado badana ay u badan tahay inuu sii hayn doono xilkaasi.
Trump ayaa hadalkan ku qoray bartiisa Twiteer-ka. “Dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan Mr Farage oo ah wakiilka Britain u qaabilsan Maraykanka. Shaqo adag ayuu qaban lahaa”, ayuu qoray Donald Trump.