Budhcadbadeed markab ka afduubtay Xeebaha Puntland

0

Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .

Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala aaday xeebaha Puntland. ILA-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta u sheegay in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka.

Madaxda maamul goboleedka ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xariira.

ILA-wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in markabkan loola kacay dhinca xeebta Raas-Casayr.

Waxaa xusa mudan in Howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Xaraare Axmed Maxamuud oo ka mid ah dadka degaanka Caluula ayaa Caasho Ibrahim uga warramay markabka iyo xaaladdiisa.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Soomaalida ee Puntland ayaa sheegay inay abaabulayaan ciidamo amni oo soo furta markab la sheegay inay soo afduubeen kooxo hubaysan, kaasoo la geeyay meel u dhow xeebta Caluula.

Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa VOA u sheegtay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay inuu ka mid yahay dadka markabka soo qabsaday ayaa VOA isna u sheegay inay yihiin kalluumaysato.

Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.

Hore ayay kaluumaysatada Soomaaliyeed uga cawdeen maraakiib Jiriif oo dhib xoog leh u geystay xeebaha iyo kaluumaysigooda kuwaas oo aanay madaxda maamulka Puntland oo lagu eedeeyo in ay jiriifka qayb ka yihiin aanat waxba ka qaban waana arintii hore budhcadbadeeda Soonaaliyeed uga abuurantay.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here