Burburka Khaatumo, quusta Cali Khaliif, ku Awr kacsiga USP 2016 iyo ku xoqashada Somaliland

0

Xalay oo bishu ahayd 24 oktobar 2015 waxaa shir teleconference ah isugu yimid koox yar oo hal qoys ah oo taageerta odayga hogaanku ugu go’ay Balicad ee Cali Khaliif Galaydh. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Cali Khaliif iyo Maxamed Yuusuf jamac Indhosheel oo ka mid ahaa kooxdii Madaxweynayaasha kumeelgaadhka u sii ahaaa Cali ee lagu tijaabiyey Maamulka Khaatumo. Cali Khaliif ayaa waramay isagoo sheegay inuu quus ka sido Dawlada Federalka Somaliya iyo Xamar, Madaxweyne Xasan Sheekhna wuxuu ku sifeeyey inuu yahay beenawaas balamihii uu la galay oo dhana kaga baxay. Cali markuu ka hadlayey wadahadal Somaliland lala galo ayuu sheegay in aanay iminka suurtagal noqonayn oo aanu rajo ka qabin, isagoo ay ka muuqato inuu cadaadis kala kulmay shacabka oo kalsoonidii kala noqday. Cali Khaliif wuxuu warkiisii ku soo gebagebeeyey in wado kasta ay soo xirantay marka laga reebo in boodhka laga hufo ururkii USP. Cali Khaliif wuxuu talodiisii ku soo ururiyey oo taageerayaashiisii ku amray in hadii 2 bilood ee sanadka ka hadhay aan lagu keenin Beesha Warsangeli ay waxwalba burburi doonaan. Hadalkii Cali Khaliif wuxuu u dhignaa sidan; “Isku day kastaa waa soo xirmay, dariiqa keliya ee inoo banaani waa inaad 2 bilood ee sanadka ka hadhay Warsangeli ku keentaan, raadiya, London ka bilaaba, qurbaha meelkasta Jaaliyadahooda ka soo kiciya, waa inaan USP dhisnaa, 30 Xildhibaan baan Federaalka ka helaynaa, wixii lacag ah ee aad ii soo diri lahaydeen ku isticmaala arintan” Indhosheel ayaa isna warbixintiisii ku sheegay in qorshihii USP oo meel fiican marayo oo ay olole ugu jiraan, isagoo sheegay inay dhowaan degaamada SSC u soo diri doonaan gudi 10 xubnood ah, oo ay qaadi doonaan dariiqii ay Khaatumo ku sameeyeen G15, si loo kiciyo shacabka degaanada iyo Guuto kowaad. Hadalka Indhosheel ayaa u muuqday DAWACO MEEL AY MACAL IDAAD UGA BARATAY AYEY MACALUUL UGU BAKHTIDAA. Cali Khaliif iyo Indhosheel waxaa ka muuqatay quus iyo in Khaatumo burburtay oo 2016 aanay waxba u goynayn, dhulbahantena ka hor yimid oo cidla ku soo dhaceen, sidaas darteed loo baahanyahay in la helo qorshe cusub oo 2016 lagu derajo doonto, Dhulbahntena laga dhuunto, fashilkooda ku qariyaan. Dhanka kale waxaa ayaan daro ah in Siciid Jaamac Cali Qoorsheel oo ka soo jeeda qoys magac iyo sharaf ku leh Somalida dhexdeeda uu la shurkay odaygan Cali Khaliif ee gabalkiisii ku dumay Balicad oo aan dad iyo degaantoona haysan oo marba meeshii uu is yiraahdaan waxbaad ka helaysaan u caraya. Siciid Qoorsheel wuxuu ka mid yahay kooxda Cali Khaliif iyo Indhosheel la wada USP ee damacooda siyaasadeed ugu gaaraan 2016, waxaase isweydiin leh shacabka SSC ee 25 sano marba mid muraad lihi fuulayey ee dantiisa ku gaarayey, hadana garbabeelay oo maanta Cali Khaliif Galaydh qaadi kari waayey oo Balicad dhigay, 2016 Siciid Qorsheel oo USP wata ma la qaadi karayaan? Jawaabtu wa maya, qaadis daayo xitaa lama kici karaan. Siciid Qoorsheel ma ahayn Nin laga filayey inuu raaco wadada Cali Khaliif ee dib u socodnimada ah oo inta uu Raiisalwasaare gaaray maanta dib ugu soo laabtay qoys hoose iyo tuulada Saaxdheer, dadkii degaankana dhib iyo burbur u geystay.. Waxaase la yaab ah in kooxdan USP 2016 ay ku doodayaan in USP ay Somaliland ka xoreynayso degaamada SSC. arintan oo noqotay qodob uu qofkii dan gaar ah lihii uu Somaliland isku xoqxoqo si uu taageero uga helo shacabka iyo Guuto kowaad. Isku soo wada duubo todobaadyada soo socda waxaan rajeynaynaa inaan aragno G15, Cali Khaliif, Siciid Qoorsheel iyo Indhosheel oo tuurta ku sita USP kana hadlaya xoreynta degaamada SSC iyo shirweyne Dhulbahante iyo Warsangeli.

Xigasho: www.xaysimo.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here