Burcad badeed Soomaali oo afduubtay Doon Kalluumeysi kaga leeyahay K/Kuuriya

0

 Burcad Badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa inay afduubteen Doon Kalluumeysi laga leeyahay dalka Koofur Kuuriya, meel ka mid ah biyaha Soomaaliya. Doonidan ayaa waxaa saarnaa 18 shaqaale u dhashay dalalka Koofur Kuuriya iyo Indonesia, waxaana xiriirka la waayay markii la afduubtay. Wasaaradda Difaaca ee Koofur Kuuriya ayaa sheegtay in Doonida Kalluumeysi ay uga shakisan tahay inay afduubteen kooxaha burcad badeedka. Madaxweynaha Koofur Kuuriya ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo furto doonida kalluumeysiga ee laga afduubtay biyaha Soomaaliya. Markab dagaal laga leeyahay Koofur Kuuriya oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee la dagaalamaya burcad badeedka ayaa bilaabay howl gal lagu baadigoobayo doonidaas. Shiinaha, Thaliand, Koofur Kuuriya iyo Iiraan ayaa ah dalalka ugu badan ee sida sharci darada uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here