BURCO BARRI KAMA SHISHEEYO CODNA KAMA SUGAYO

0

Ilaahay umadda haka dulqaadee Abaarta Somaliland ka jirtaa mudo ayey soo jiitamaysay, waxayna ku soo horeysay degaamada Hartiga (Bariga) oo ay dad iyo duunyaba saameysay. Mudada dheer ee ay degaamadaasi la daalaa dhacaynayeen dhibta abaarta, Somaliland kama hadlin, laakiin waxay mar qudha af labadii yeedhay oo ay gurmad qaylo bilowday markii ay Abaartu soo gaadhay degaamada Beelaha Isaaqu (Beesha Dhexe) degaan, arintani waxay kuu muujinaysaa xaqiiqada Somaliland ka jirta. Ilaa hada gurmadka degdega ahi wuxuu gaadhay waa degaamada Beesha Dhexe, Beelaha Hartiga weli waxbaa loo qorsheynayaa, halkii ay ahayd in iyaga lagu horeysiiyo, laga yaabaa in la gaadhsiiyo marka roobka ilaahay shubo. Waxaa ka sii daran Masuuliyiinta Somaliland ugu sareysa ayaa bilaabay inay soo eegaan Gobolada Abaaruhu saameeyeen, waxaana ugu horeeyey Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Islamarkaana ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, kana sii ah Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdiraxman Cirro). Cabdiraxman Cirro oo todobaadkan xaalada abaarta soo indha indhaynayey wuxuu socdaalkiisii iyo gurmadkiisii ku soo koobay degaamadii Beesha dhexe, xalay ayuuna Hargeysa guure ku soo galay. Socdaalka Cirro ee uu Hargeysa ku soo guryo noqday isagoo aan soo arag degaamadii Somaliland ugu balaadhnaa ee abaartu saameysay, macnaheedu waa: BURCO BARRI KAMA SHISHEEYO, CODNA KAMA SUGAYO. Reer Sool iyo Sanaagna waxaa u taal inay ogaadaan in doorashada somaliland soo dhow dahay, degaamada Galbeedkana codadkooda la kala leeyahay, doorashada waxaa ku guuleysan doonta marba cida ay intiina isdiiwaangelisay u codeyso, waxaa haboon inay xusuustaan hal ku dhigii (NIN I XOORAY MAANTAAN XUMAA AMASE XAASOOBAY ………..) Waxaan la socon doonaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi socdaalkooda iyo gurmadkoodu meesha uu gaaro.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here