Caafimaadka Garaadka Guud ee Sool, Sanaag Garaad Saleebaan oo fiicnaaday

0

Sida uu noo xaqiijiyey Axmed Yuusuf Garaad waxaa si aad ah u soo fiicnaaday Caafimaadka Garaadka Guud ee Gobolada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo beryahanba xaalad Caafimaad u joogay Wadanka Imaaraadka Carabta. Garaadka ayaa ku jira cisbitaalka weyn ee Zayed Military Hospital, iyadoo lagu guuleystay dhamaan hawlihii caafimaad ee Garaadka, oo ay fuliyeen xeeldheerayaasha caafimaadka ee Cusbitaalka. Dhowaan ayaa waxaa Garaadka cusbitaalka ku booqday Raiisalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka Tirsan Dawlada Imaaraadka Carabta oo uu ka mid yahay Safiirka Dawladda Imaraadka u Fahdiya Muqdisho, iyagoo u kuurgelay xaalada Caafimaad ee Garaadka iyo isbedelkiisa, waxayna Garaadka cabaar kula sheekaysteen Qolka VIP ee uu ka deganyahay Cusbitaalka. cumar-iyo-garaad-saleeban Ugu dambeyntii Axmed Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu rajeynayo in Garaadku mudo kooban ku rayso oo dalkiisii dib ugu laabto, si uu uga qaybqaato hawlo farabadan oo sugaya. Garaadka ayaa aad u xanuunsaday xili uu ku guda jiray nabadeyntii Beelihii ku dagaalamay degaamada Qoriley iyo Magacley oo ay ka dhexaysey colaad 10 sano ka badan soo jiitamaysay. Qurbejoog farabadan iyo shacabka Sool iyo Sanaag ayaa ducooyin iyo alle barri u diray Garaadka, iyagoo ilaahay uga baryey inuu Caafimaad degdeg ah siiyo, waxayna si weyn ugu mahadnaqeen Raiisalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xooga saaray, dadaal dheerna u galay sidii Garaadku u heli lahaa baadhis caafimaad oo dhameystiran. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here