Cabdilaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo u waramey shebakada goojacade.com ayaa Somaliland ku eedeeyey inay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ku hayso weeraro iyo baro kicin joogto ah. Cabdilaahi Garaad Saleebaan ayaa cambaareeyey weerarkii ciidamada Somaliland ku qaadeen degaanka Balicad ee Gobolka Cayn. Cabdilaahi ayaa sidoo kale ka hor yimid sahamintii diyaaraduhu ka sameeyeen degaamo ka tirsan degmada Xuddun. Dhanka kale Cabdilaahi ayaa ka warbixiyey Caafimaadka Garaad Guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo xaalad Caafimaad u jooga Nayroobi iyo sidoo kale nabadeynta ka socota degmada Taleex. DHEGAYSO WARAYSIGII CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN: https://youtu.be/CeZlM4az_ZE]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.