CABDIWALI GAAS OO KU DHAWAAQAY MUSHARAXNIMADIISA PUNTLAND 2019

0
Madaxwaynaha  maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay  inuu mar kale ka qaybgalayo doorashada madaxweynaha ee Puntland ka dhacaysa 8 Jannaayo ee sannadka 2019ka.

Cabdiweli ayaa afar qodob ku soo koobay sababta uu mar kale u tartamayo,  kuwaas oo kala ah

 1- Dhammeystirka howlihii uu ballanqaaday.

2- Dib u habeynta dowladnimada.

3- Dhisidda ciidan xoog leh.

4- Dib u xoreynta deegaannada maqan. “

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey Cabsida uu ka Qabo  Puntland oo Weligeed aan madaxwayne laba jeer la dooran “ Shantii sanaba Madaxweyne cusub in la doorto Puntland ayay carqalad ku tahay”. Ayuu yidhi Gaas.

Dhinaca kale Islaan Ciise Islaan Maxamed  oo kamid ah Isimada dhaqanka   oo  ka hadlay Munaasibada C.wali  Gaas wuxuu yidhi “ Maanta ka hor xaflad musharrax la igama yeedhin,  malaha madaxweynuhu culeys buu dareemay, doorashadii horeba 2014 waa joognay noomana yeedhin, Madaxwayne khayr hadduu kugu jiro Alle ha kugu guuleeyo.

“ Hanagu eedeyn oo ha odhan isimadda waxbaa si ka ahaa, Labadii arrimood Madaxweyne midna ma hayno, idan Alle ma hayno, luuqii yaraana gali mayno ( Goobta Doorashada ) marka wixii Illahay kaaga soo qaado ku qanac”.  

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here