Cali Cararaaye oo Buuhoodle gaaray Balicadse xagee ku xiga?

0

Shebakada xaysimo.com wax badan ayey shacabka SSC uga digtay dhibaatada ay u horseedayaan Cali Khaliif Galeydh iyo Hangooladiisu. Waxbadan ayaa la soo bandhigay qoraalo sheegaya in Cali Khaliif micnihiisu yahay SOMALILAND KAALAY NA QABSO. Waxbadan ayaa shebakada xaysimo.com soo bandhigtay digniino muujinaya in degaankii Cali Khaliif martigeliyaa uu ku dambeyn doono sidii Taleex iyo kuwii ka horeeyey muteen (Xuddun, Taleex, Saaxdheer iyo Balicad). Waxbadan ayaa xaysimo.com shacabka SSC ku baraarujisay in aanay ku khaldamin profosoornimada Cali Khaliif sheegto, oo aan caqli badan oo uu umad ku hogaamin karaa ku jirin, kaas oo sameyn kara siyaasad difaac iyo Mustaqbal. Bal akhristow dib u fiirso ilaa maalintii Cali Khaliif Galeydh Khaatumo sameystay Somaliland marba meel bay ka caydhinaysay, marka la wareystana waxay lahaayeen “Anagoo saaka iska hurudna ayaa ciidamo badan oo Somaliland na soo weerareen”. Maxay ugu talo galeen, ilayn Somaliland waxay doonayso waa la yaqaanaa oo waa wax cadde. Suaashu waxay tahay ninka Madaxweynaha sheeganaya, oo maalinba isagoo hurda inta meel loogu yimaado la caydhsanayo? Miyaanay shacabka SSC ceeb ku ahayn? Nimaan edeb iyo afgaabnaan lahayn, Itaal iyo awood uu isku difaaco sameysanayn, Taageerayaal iyo degaantooda haysan, Maamulgoboleed dhismihiisna ku Asaasaqay miyaa qoob dhan lagu sii deyn karaa? Cali Khaliif caawa ayuu dhuumasho ku soo galay Buuhoodle, kadib markii uu ilaa maanta ku dhuumaaleysayey degaanka u dhexeeya Xamarlagu xidh, Goob iyo Marqaan. Waxaa xaqiiq ah in shimbir malabtii Somaliland buuhoodle soo dul fadhiisatay, shacabka Buuhoodle ayeyna u taalaa waxay ka yeelayaan. Dhegayso Kayse Cabdi Yuusuf MUXUU KU HADLI DOONAA? FADLAN KU SOO DIR RAYIGAAGA news@xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here