Cali Khaliif Galaydh oo cararay iyo Ciidamada Somaliland oo la wareegay Balicad

0

Ciidamada Somaliland ayaa saaka aroortii hore degaanka Balicad ka caydhiyey koox uu hogaaminayey Cali Khaliif Galaydh oo degaankaas ku dhuumalaysanaysay. Wararka ka imanaya deegaanka Balicad ee gobolka Cayn ayaa sheegaya in haatan guud ahaanba deegaankaasi ay la wareegeen ciidamada Somaliland. Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland ay la wareegeen deegaankaasi dagaal la’aan kadib markii ay Cali iyo kooxdiisa aroortii hore carareen, iyadoo la filayo inuu galay xuduudka Ethiopia. Ilaa shalay oo ciidamada Somaliland ku soo durkayeen degaanka Balicad ayaa la saadaalinayey goorta iyo meesha uu Cali u carari doono, iyadoo ay caado u tahay marba uu cararka iyo maamul aan jirin oo uu sheegto. Dadka badan oo ka tirsan degaamada Sool iyo Sanaag ayaa soo dhoweynaya in la caydhiyo. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here