Cali Khaliif Hargeysa wuxuu la tegayaa Saaxdheer waxayna u goysaa Agaasime Waaxeed.

0

Intaan magaalooyinka la soo gelin oo aanay soo bixin qalabka casriga ah ee caruurtu ku ciyaartaa, caruurta baadiyuhu waxay soo urursan jireen xaarka geella oo qalalay (Saalo), waxayna odhan jireen waa geelaygii oo waan dhaqanayaa. Cabaar markay haraadaana goobta ayey kaga cararaan. Taas waxaa la mid ah Cali Khaliif Galaydh oo xantooba dad ku urursaday xuduudka Etoobiya, isagoo sidii caruurtii sheeganaya inay yihiin shacabka SSC oo isagu metelo. Oday Cali wuxuu ku soo hungoobay Koonfur, Dhulbahante waa nacay oo u diideen inuu degaanadooda fitmo uu dan gaara ka leeyahay ka rido, Hawdkii iyo Saaladii uu dhaqanayeyna wuu ku haraaday, gabow iyo adkaysan la’aanina waa u timid, meesha keliya oo uu nafta kula carari karaa waa Somaliland iyo Hargeysa. Cali Khaliif harqadii maryuhu ugu jireen wuu ka soo qaatay Toga-Eerigo, warqadna wuxuu ka soo qortay Saaladii uu ku dhaqanayey Xuduudka ee uu u bixiyey Goleyaasha Khaatumo oo mid ka mid ahi uu ka kooban yahay wiilka uu sameystay ee uu ku magacaabay Garaadka guud ee SSC, waxaana la filayaa inuu ka cararo ssalada oo u jihaysto Hargeysa iyo inuu saaxiibkii Siilaanyo ag tago. Dhanka kale Goboladda Sool iyo Sanaag waxaa ka socda abaabul ka madaxbanaan sheekada uu Cali Khaliif doonayo inuu Hargeysa ka iibiyo, waxaana dhici karta in inta Cali aanu Hargeysa gaarin ay shacabka degaankaasi sameeyaan falal aan horey looga baran, maadaama ay yihiin degaamadii horey Ciidamada Somaliland looga soo dhoweeyey. Si kastaba hayska ahaatee waxaa muuqata in haddii ay israacaan Cali Khaliif iyo Garaadkiisu ay Somaliland u geyn karaan tuulada Saaxdheer oo hadii la qiimeeya u goyn karta Agaasime Waaxeed. Halka Somaliland ay waayi doonto degaano ay iminka nabad ku joogto iyo colaad hor leh, taasoo keeni karta inay soo afjarto rajadii ay ku taamayeen xisbiyada Somaliland oo doonayey inay doorasho ka dhacdo Goboladda Sool iyo Sanaag Barri. Isku soo wada duuboo sida looga bartay xukuumada Siilaanyo waxay ku caan baxday in talaabo kasta oo ay qaadayso waxay u dhaqaajiso xaga mugdiga iyo talo xumada, iyadoo ayaamaha soo socda ay kala cadaan doonto waxa Somaliland isku bedelato. XIGASHO. WWW.GALABTA.COM ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here