Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac oo isku khilaafay qaabka wadahadalka Somaliland lala gelayo

0

Cali khaliif iyo Garaad Jamac Garaad Cali ayaa isku khilaafsan qaabka loo wajahayo wadahadaladda ay lagalayaan Somaliland. Xogo rasmiya oo laga helayo Xarunta ku meel gaadha Wadda hadaladda ee Saldhiga u ah khaatumo ee Balicad ayaa waxaa ka soo baxdey Xog sheegaysa in Garaad jamac garaad cali Doonayo in lalla galo Somaliland qaab Isimo, Gogolna la dhigo Magaaladda Caynaba, taaso oo ay dhigayaan Somaliland isla markaasna uu kaxaysto Siciid Cisaman Cali dhucdhuco, Abshirsalax Saalax Gadh weyne iyo Mashqare. Wadahadalkaasina dhexmaro waa siduu hadalka u dhigaye Isimo ISAAQA IYO Garabka uu hogaamiyo, Garaad Jamac. Dhinaca kale Cali khaliif ayaa Hargeysa isaga hore mariyey Ismaciil Hure Buuba iyo Siyaasiyiin kale oo doonaya in uu ka dhigo wadahadalka Qaab ka duwan kan uu doonayo Garaad jamac, isagoo doonaya in ay dhex dhexaad ka noqto UNSOM Ethiopia iyo Safaradda London ee Somalia. Sikasta ha ahatee ifafaalaha ka soo baxaya meeshaas ayaa u eeg mid keeney is maandhaaf, Somaliland ayaa iyagu hore ugu soo direy Garaad jamac Mamulka shirkadda HAAS iyo Baashe Maxamed Cade si ay garad jaamac ugu qanciyaan in la dhigo gogal nabadeed oo dhexmarta ismadda Isaaq iyo Garabka Garaad Jamac, Ila wareedyo laga helayo Magaladda Hargeysa ayaa sheegaya in Mamulka Silaanyo Xooga Saarayo in loo dhigo Qaab isimeed isagoo quudareynaya Dadaladii hore ay uu biloowdey Shirkadda Has pertoleum. Taasoo badalkeedu ahaa Haamaha Shidaalka Berbera oo la siinayo Shirkadda Has Petroleum taaso keentey in ay khalkhal galisey koradhsiimadii Siilaanyo iyo Guud ahaan Somaliland oo xarunta baarlamanka dhexdiisa faraha la isku saarey, laguna garaacay Baashe maxamed Cade oo Hawshan Gadhwadeen ka ah. Isku soo wada xoori Mal maha soo socda ayey cadoon doonta qaabka ay ula gali doonan Somaliland Xigasho Kalshaalenews .]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here