Cali Khaliif iyo Garaadkiisa oo la saadaalinayo inay Muqdisho u guuraan iyo jabkii

0

4 Sano kadib taladdii Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaad Cali waxay Dhulbahante dhigtay goobtii ugu xumayd ee taariikhda soo marta intii beeshu jirtay. Jabka iyo taloxumada beeshu waxay bilaabantahay May 22, 2006, oo ahayd maalintii lagu caano shubay ama la boqray Garaad Jaamac Garaad Cali, iyadoo waxyar ka dib Ciidamada Somaliland Laascaanood yimaadeen, taloxumo iyo midnimo la’aan darteed. Hadana beeshu waxay sii god gashay 4 sano ka hor markii Cali Khaliif Galaydh oo ku caan baxay taloxumo, waxtar daro iyo Colaad siyaasadeed ama qabiil la yiri hogaan iyo taloqabeen ha laga dhigto. TALADOODII MAXAY DHASHAY? Maanta degaan ma hayaan oo dalkii oo dhan Somaliland baa la wareegtay, marka laga reebo bagcada yar ee Buuhoodle, Maamulgoboleed la aqoonsanyahay lama hayo, Soomaali lama hayo. qabiil lama hayo, beeshii burbur iyo tafaraaruq bay dhexgeliyeen, labadoodiina midna guri Buuhoodle oo dhanka xuduuda Itoobiya ku yaal buu ku dhuumanayaa, midna markii ugu war dambeysay isagoo Puntland dhuumasho kaga soo degay oo Hawdka Qorilay u soo gudbay baa la sheegay. MAXAA KU XIGA OO AY SAMEYN DOONAAN? Haday helaan meel ay isu soo maraan waxaa la saadaalinayaa inay isugu imaan doonaan Geed ama cariish yar hoostiis, waxayna kaga dhawaaqi doonaan Maamulgoboleed ka kooban Khaatumo iyo Maakhir sidii caadada u ahayd, dabadeedna waxay isu raaci doonaan Magaalada Muqdisho oo ay kaga doodi doonaan in Kuraastii SSC ee Federalka la siiyo, 3 meeloodna loogu qaybiyo, iyadoo ay u egtahay in sanadka 2016 oo dhan ay ku dhameysan doonaan Muqdisho maadaama shacabka SSC ay maanta u cadaatay dhibta ay beesha u horseedeen. Kuraasta Federalka ayaa sanadkan ka duwan sidii kuwii hore. Aqalka Sare ee Federalku wuxuu ka kooban yahay 18 gobol oo midkiiba leeyahay 3 kursi oo la mid ah 54 kursi: Buuhoodle kursigeedii wuxuu raacayaa Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag kuraastiisii waxaa la siiyey Somaliland, halka kuwii Gobolka Soolna Puntland lagu daray. Isku soo wada duubo waxan oo taloxumo iyo qas ah waxaa aabe u ah Cali Khaliif iyo Garaadkiisa Garaad Jaamac Garaad Cali, iyagoo maalinba maalinta ku xigta sii dabaalanaya mugdi siyaasadeed oo burbur iyo tafaraaruq hor leh sii abuuraya. Waxaa xusid iyo mahadnaq mudan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo diiday inay gacan siiyaan taloxumada iyo burburka ay wadaan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here