Cali Khaliif muxuu Khaatumo ku bedeshay?

0

Dad badan ayaa muddo dheer isweydiinayey sababta Madaxweynihii Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo mar qudho ka goostay Maamulkiisii iyo shacabkii aaminay, iyo waxa ku bedeshay.

Cali wuxuu xamili kari waayey noloshii duurka, taas oo uu ka doorbiday inuu ku raaxaysto xeebta Berbera.

Prof Galeyr wuxuu Khaatumo ku bedeshay 600 oo askarta Caaglaha loo yaqaan iyo ilaa 300000 dollar oo ka madax banaan dilaalkii kuwii ka shaqeynayey, sida ay sheegeen dad xogogaal u ahaa.

Cali Dawladdii Soomaaliyeed wuxuu uga tegay musuqmaasuq Wershaddii Sonkorta Mareeray, Raiisalwasaarenimadiina waxaa Baarlamaanku ku eryey Musuqmaasuq, halka uu reer Khaatumona markuu shilinkii qurbajoogtii ka dhameystay uu ka goostay.

Oday Cali hadda wuxuu ka mid yahay Caagleysteyaasha, Somalilandna waa laga ogaaday qiimaha uu degaamadiisa ka joogo iyo in aanu wax taageero ah ku haysan, sidaas darteed aanay jirin sabab wadahadal loola wadaa.

Prof Cali Khaliif Galeyr oo ku raaxaysanaya xeebta Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here