CALI KHALIIF MUXUU KU GORGORTAMAYAA? SAAXDHEER SE MAXAY U GOYSAA?

0

Tan iyo markii kooxda Cali Khaliif Galaydh ay Degmada Caynabo kula shireen Somaliland ayaa waxaa iska soo daba dhacayey mucaarad xoogan oo uu kala kulmayey bulshada buuhoodle, waxaa degaamada Buuhoodle ka qabsoomay mudaharaadyo iyo diidmo ay kala hor yimaadeen shacabkii iyo beelihii degaanka. Shacabka Gobolka Cayn ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda ay Magaalada Buuhoodle ka masaafuriyaan Cali Khaliif Galaydh kadib markay u cadaatay khayaamooyin iyo dibindaabyo qarsoodi ah oo uu maleegayey, islamarkaana uu si hoose ugu gorgortamayey degaankooda iyo dadkooda. Sidoo kale shacabka Sool, Sanaag iyo Xaysimo ayaa shirar ay ku yeesheen Magaalooyinka Awrboogays iyo Adhicadeeye xidhiidhka ugu jaray, taasoo welwel iyo kalsooni daro ay ku abuurtay awgeed uu goaansaday inuu wadahadalka Somaliland hororsado. Cali Khaliif 4 sano ayuu colaad ah iyo fidmo ah kula dhex wareegayey shacabka walaalaha ah, isagoo diiday inuu soo golo fadhiisto, islamarkaana cidii soo jeedisa in Somaliland lala xaajoodo uu ku kicin jiray caruurta, haweenka iyo wax magaratada. Isagoo aabe u ahaa dhibaatooyin iyo dhiig farabadan oo ka dhex dhacay beesha dhexdeeda iyo weliba derisyadda. Cali Khaliif wuxuu maanta Somaliland la hadlayaa isagoo dad iyo degaan ka haysta tuulada Saaxdheer ee uu ka soo jeedo. BAL MUXUU KU GORGORTAMAYAA, TUULADDA SAAXDHEER SE MAXAY U GOYSAA? cali-khaliif-riyo]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here