Cali Khaliif oo Buuhoodle dhuumasho ku galay oo laga cayrshey maxaa sababay? + Video

0

Madaxweynaha kooxda gaarka ah ee wareega Xuduuda Itoobiya Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa maalintii axadii isagoo ku raran waraaqo uu doonayey inuu Hargeysa la aado soo galay Magaalada Buuhoodle, halkaas oo uu ka filanayey in laga dhegaysan doono sheekooyinkii uu buugaagta ka soo akhristay ee uu mudo dheer u akhriyey shacabka Gobolada SSC, taas oo ay iminka ka daaleen. Cali oo filayey in sidii uu shacabka Buuhoodle uga bartay durbaan iyo soo dhoweyn loo sameyn doono ayaan laysu kala bixin, isagoo markiiba dareemay dareenka bulshada Gobolka Cayn, wuxuuna bilaabay inuu dhuumasho iyo buuq la’aan magaalada ku galo. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Cali uu isku dayey inuu taageero u helo qorshehiisa calool ku saqiirka ah ee ay ka dideen Bulshooyinka SSC, laakiin wuxuu la kulmay mucaaradad xun, iyadoo loo cadeeyey in aanu Gobolka Cayn meteli doonin, haddii ay Somaliland la hadlayaana aan cidi u dhexayn doonin, ayna haystaan siyaasiyiin iyo waxgarad ugu filan wada xaajoodka. Marka la soo koobo shacabka Gobolka Cayn waxay Cali Khaliif si dadban iyo si toos ahba ugu sheegeen, haduu Somaliland Saaxdheer la tegayo inaan cidina ishortaagi doonin, balse aanu ku derajo doonin dhiigii wiilashooda iyo agoomaha. Dadka Gobolka Cayn ayaa isweydiinaya haduu Somaliland wadahadal la gelayo muxuu intaan dadku dhiman oo dhiigu daadan u geli waayey, 4 sanadood ku dhowaad ayaa waxaa kala xidhnaa Buuhoodle iyo Burco iyadoo Cali uu garaacayey durbaankiisa Colaada, kaas oo galaaftay dad badan oo labada dhinacba u naafoobeen, oo ay ku jireen dad isku ehel ahi. Cali wuxuu Magaalada uga baxay si dhuumasho ah oo aan la dareemin, isagoo dib u sii xanbaartay Waraaqihii ay ugu qornaayeen magacyada gudiyo uu soo qor qortay. Cali waxaa looga bartay sheekooyin qosol badan, iyadoo la xusuusto inuu Taleex ka sheegay in aan Ciidamada Somaliland imaan karin oo Satelite hawada ka ilaalinayo, taasoo dad badan oo reer Taleex ahi rumeysteen ilaa ay arkeen Ciidamadii Somaliland oo Taleex dhex taagan iyo Cali oo Saaxdheer sii cararaya. Halkan ka daawo hadaladii reer buuhoodle ku yiraahdeen Cali https://youtu.be/pQNnubypDvY]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here