Cali Khaliif oo dalbaday dhaqaale uu ku burburiyo Reer Maakhir (Akhriso Shaxda dalalka)

0

Horjoogaha Kooxda Saaxdheer Cali Khaliif Galaydh, oo habeenimadii khamiista la hadlayey qaar ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee sii taageersan ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu abaabulo shirar aan loo dhameyn oo uu doonayo inuu koox ka soo qooragooyo Reer Maakhir oo Buuhoodle keeno, laguna dhawaaqo, in Maamulkii Maakhir ku biiray Khaatumo. Cali Khaliif ayaa qurbejoogta ka codsaday in looga soo ururiyo dhaqaale uu u adeegsado furfurista Reer Maakhir, koox Xildhibaano ah oo uu Muqdisho ka kaxaynayo iyo koox Isimo ah oo hawdka u fadhiya oo isaga quutal yoomka ka sugaya, kuwaas oo aanu faro madhnaan ula noqon karin. Cali Khaliif ayaa iminka sidii hore u helin dhaqaalihii xad dhaafka ahaa ee uu ka heli jiray Qurbajoogta, waxaana dadka badankiisu garwaaqsadeen fitnada iyo burburka uu degaanada ka wado, iyadoo dhaqaalaha keliya ee uu iminka ku dhaqdhaqaaqayo, la sheegay inuu ka helo Shirkada HASS PETROLEUM oo dhaqaale xad dhaaf ah ka hesha qandaraas ay ku haysato shidaalka Somaliland iyo Haamaha Kaydka Berbera. Kharashkan degdeg ah uu dalbaday ayaa kor u dhaafaya 71,500 $US, waxaana lagu kabi doonaa dhaqaalaha HASS PETROLEUM UGU DEEQDO MAAMUL U SAMEYNTA KHAATUMO IYO MAAKHIR. HOOS KA AKHRISO SHAXDA UU MAGAALOOYINKA UU KU SOO KALA QORTAY 1-Minnesota $10000 2-London $8000 3-Ohio $6000 4-Sweden $3000 5-Norway $3000 6-Birmingham $3000 7-Alberta $3000 8-UAE $3000 9-Seattle $3000 10-Perth $2000 11-Brisbane $2000 12-Denmark $2000 13-Holland $2000 14-Finland $2000 15-California $2000 16-Toronto $2000 17-Ottawa $2000 18-Virginia $2000 19-Atlanta $1000 20-Main-Portland $1000 21-Leicester $1000 22-Manchester $1000 23-Coventry $1000 24-Bristol $1000 25-Nashvile $1000 26-Cardiff $1000 27-N.Zealand $1000 28-Belguim $1000 29-Germany $1000 30-Denvar $500]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here