Madaxweynaha Kooxda khaatumo oo maalinti shaleyto aheyd ka soo degay magaalada laascaanood halkaas oo uga sii gudbay magaalada widhwidh ayaa wada qorshayaal uu doonayo in dadka degaanada sool sanaag iyo cayn kaga dhaadhiciyo ku biiritaanka somaliland.
Wadanka Holland ayaa waxaa ka dhici doonta taariikhdu markay tahay 18/02/17 shir lagu taageerayo Cali khafiif iyo barnaamijkiisa shirkaana waxaa loo xilsaaray nin lagu magacaabo CABDILLAHI DHEERE oo uu soo wakiishay cali khaliif waxaana lagu taageeri doonaa barnaamijka cali khaliif ee ku biiritaanka maamulka somaliland
Cabdilaahi Dheere oo uu wakiishay cali khaliif ayaa todobaadkan tagay qeybo kamid ah wadamada qaarada yurub halkaas oo uu ka soo aruurinayay shacab kala qeyb-gala xafladda taageerada cali khaliif ee ka dhici doonta wadanka holland sida ay shabakada Goojacade.com u xaqiijiyeen saraakiil ka ag dhow cali khaliif
Dhinaca kalena taageerayaasha cali khaliif ayaa ka bilaabay qolka TAYO aruurinta dhaqaale loogu talagalay in lagu mushahar siiyo maleeshiyaad ku sugan magaalada buuhoodle kuwaa oo la doonayo inay falal amaan xumo ah ka geystaan gudaha buuhoodle waxaana la helay liis ay ku qoran yihiin magacyo ku yaboohay dhaqaale la doonayo in fidno looga dhex abuurto gudaha buuhoodle
Qorshaha cali khaliif ee xaflada holland iyo aruurinta dhaqaalaha colaada lagu abuurayo ayaa u muuqda bilowga fashilaada qorshaha cali khaliif,waxaana jira heegan la galiyay ciidamada difaaca buuhoodle kadib markii ay soo baxeen qalalaasaha ay wadaan taageerayaasha cali khaliif
Laascaanod-Soomaliya
Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>