Cali Khaliif oo hungo kala laabtay Nairobi iyo Reer Maakhir oo iska abhiyey

0

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helnay magaalada Nairobi ayaa xaysimo.com u xaqiijiyey in qorsheyaal iyo damac badan oo Cali Khaliif la tegay Magaalada Nairobi ay dhalanteed isku bedeleen. Cali waxaa dagaal iyo mucaaradad kala hor yimid Jaaliyadaha ka soo jeeda degaamada Sool Sanaag iyo Buuhoodle ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, sidoo kale waxaa cidiyaha kula dagaalamay siyaasiyiinta beesha oo aan u kala hadhin, kuwaas oo ka godoomiyey xidhiidhkii uu la sameyn lahaa, Soomaalida iyo Beesha Caalamka. Cali Khaliif oo dhowr jeer isku deyey inuu qabto shirar dib u heshiisiin ah ayaa ku hungoobay, shirar uu isugu yeeray Jaaliyahada Nairobi ayaa waxaa isugu yimid xoogaa dumar iyo Caruur ah. Dhanka kale beesha Warsangeli ama Maakhir ayaa taladooda u badinaya in aanay Cali Khaliif waxba ku darsan, oo ka fogaadaan, iyagoo ka tusaale qaadanaya dhibta iyo burburka uu Cali Khaliif u geystay Dhulbahante, qof walbana way u muuqataa in degaankii Cali laga taageero uu dhib iyo colaad ku dambeeyey, sida Taleex, Qorilay, iwm. Cali oo xaga cararka ku fiican ayaa la sheegayaa inuu u jihaystay Xamar, oo ah meel laga bartay waraaqaha aan loo dhameyn ee uu tuurta ku sito, maamulkana ku sheegto. Dadka siyaasada odorasa ama aqoonta u leh Cali ayaa sheegaya, in Cali Cali Khaliif waqtigiisii nololeed ee Siyaasada uu soo afjarmayo, maalin kasta oo uu ku sii jiraana ceeb iyo fashilan u sii kordhinayso. Cali ayaa iminka go’doon ka ah beeshiisa, Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba, wuxuuna ku sugan yahay marxalad wareegaalaysi iyo marba meel isku qaad ah, waxaana la filayaa inuu si dhaqso ah dib ugu laabto Degaanka Balicad, isagoo Xamar u raadsaday bal inuu ka soo helo dhowr kartoon oo kiniinka kaneecada, si uu waxqabad uga dhigto, oo guuto kowaad ugu maaweeliyo. Si kastaba hayska ahaatee waxaan muran ku jirin in Prof. Cali Khaliif Galaydh aqoontiisii, waayo aragnimadii iyo waxkasta oo lagu tuhun sanaa ay baaqdeen oo lagu hungoobay. Lasoco video beesha warsangeli oo iska abhinaysa Xigasho: xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here