Cali Khaliif oo ka soo baxay gurigii uu ku dhuumanayey ee Buuhoodle

0

Cali Khaliif Galeydh oo ah aqoonyahan ku fashilmay hankii loo qabay ayaa beryahanba ku sugnaa xaalad dhuumaaleysi ah oo uu ku joogay Magaalada Buuhoodle iyo hareeraheeda kadib arkuu ku guuldareystay inuu colaad ka dhex huriyo dadka reer guuraaga ah ee degaamadaas wada daaqa. Cali Khaliif ayaa dhowaan maleegay in dad shacab ah lagu laayo degaanka Caroweyn, kuwaas oo uu doonayey in fitmo ka buuranto, laakiin waxaa arintaas gacanta ku dhigay oo dejiyey dadkii degaanka oo fahmay ujeedada ka dambeysa. Cali horey wuxuu ugu guuleystay inuu isku dilo dadka Reer Taleex, kuwaas oo is gaarsiiyey heer saqiiro gawrac ah, ceebo iyo foolxumooyin badana ku kacay, ilaa hadana xal loo layahay. Cali ayaa shalay gurigii uu Buuhoodle kaga dhuumaneyey dibada uga soo baxay kadib markii dad odayaal ah oo degaanka ka tirsani u cadeeyeen inaan cidini waxba yeeli doonin hadii uu degaanka fidmada kala fadhiisto. Cali Khaliif oo diif, daal iyo welwel badani ka muuqato ayaa socod ku tegay maqaaxiyaha guriguu ku dhuumanayey ku dhowdhow, iyadoo sidii caadada Buuhoodle ahaan jirtay aanu wax sacabin ah kala kulmin dumarkii iyo caruurtii magaalada oo beryihii hore caleemo qoyan u ruxi jiray. Cali socdaalkiisa waxaa ku xeernaa oo hareeraha ka socday odayaashii iyo waxgaradkii guriga ka soo saaray oo dhinacyada kaga jira, wuxuuna sitay Hangool u eg kan Faysal Cali Waraabe. Cali Khaliif oo saxaafadu isku deyday inuu hadlo ayaan wax la taaban karo sheegin marka laga reebo hadalo muujinaya inuu fashilmay oo uu ka baaqsaday wixii laga filayey, meel walibana ka soo xirantay, iyadoo afkiisa, uurkiisa iyo aragiisaba laga dareemayey Caalwaanimo aan rajo qabin. Cali oo beryahanba ku baaqayey in reer Maakhir Maamul la sameystaan ayaa ilaa hada wuxuu ka hayaa hal nin oo Xamar ka soo raacay, iyagoo iska durkiyey inay faraqa ku xidhaan Cali iyo kooxdiisa. Dhibta ugu weyn ee Cali Khaliif la soo deristay ayaa ah Qurbejoogta Gobolada Sool iyo Sanaag oo ka jaray dhaqaalihii ay siin jireen, taas oo sababtay in kooxdiisii dhaqaale xumo la kala dhuuntaan. Dhaqaale jaristan ayaa ka dambeysay kadib markii shacabka goboladasi ay kalsoonidii kala laabteen Cali Khaliif Galeydh iyo kooxdiisa marba dhinac u cararta Xuduudka Itoobiya. DAAWO CALI OO ODAYAASHII DEGAANKU HAREERAHA KA ILAALINAYAAN: https://youtu.be/wKRNlqOCDsA]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here