Cali Khaliif oo ku fashilmay Maamul u sameynta Khaatumo iyo Maakhir iyo Caruurow laga dareemayo

0

Muran iyo shaki farabadan ayaa isku gadaamay xaalada profosoorkii caanka ahaa ee Cali Khaliif Galeydh oo dad badani ku xamanayan inuu ku khafiifay Maamulgoboleed sameyn ama in Madaxweyne loogu yeedho. Cali Khaliif waa nin ka mid ahaan jiray dadka Somaliyeed ee lagu sheego inay waxbarashada sare leeyihiin. Wuxuu soo qabtay xilal sarsare oo ay kamid tahay Raiisalwasaaraha Somaliya. Waa ninkii laga sugayey inuu ka qayb qaato sidii umadda Somaliyeed dhibta ay ku jirto looga saari lahaa, Waa aqoonyahankii laga sugayey inuu kaalin mugle ka qaato dib u heshiisiinta Somaliya, dabadeedna u gudbi lahaa sidii geeska Afrika horumar iyo nabad ku wada noolaansho looga abuuri lahaa. Laakiin waxaa ayaan daro ah in Maanta Prof Cali Khaliif uu dib ugu laabtay qabiil hoose oo gaadhsiiyey in degaamadii dhulbahante laga caydhiyo oo uu ku dhuumaaleysto tuulo yar oo jifidiisu degantahay. 4 sano ee ugu dambeeyey, sidii oday-geelii-ba’ay ayuu marba meel isku qaadayey, waxaana ka muuqatay inuusan fadhiyin, wuxuu noqday xubin baarlamaan, wuxuu isu taagay Gudoomiye Baarlamaanka, wuxuu sameystay waxaan beeshu u dhameyn oo uu Khaatumo u bixiyey, iskun magacaabay Madaxweyne, midna kuma uusan guuleysan. Hadda Cali wuxuu ku khafiifay Maamul u sameynta Khaatumo iyo Maakhir waana uu ku fashilmay, kadib markii: Dhulbahantihii Sool iyo Sanaag oo ay horkacayaan Isimadu ay diideen oo kalsoonihii kala laabteen. Jabkii ugu weynaana wuxuu la kulmay markii todobaadkii tegay uu ku guuldareystay inuu la kulmo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo diiday aragtidiisa. Beesha Warsangeli oo iyana Cali Khaliif aqoon fiican u leh, ayaa ka xishootay intay diyaarad Badhan ka raacaan oo ay xuduudka Itoobiya ku dhuumaaleystaan, maadaama ay dadkii ay isku degaanka ahaayeen ay dayriyeen Cali iyo wuxuu la wareegayo. WARSANGELI waa ogyihiin inuu tolkii kala geeyey, degaan iyo dad toona aanu haysan. Dawlada Federalka Somaliya ayaa iyana ogaatay in magaca Cali Khaliif sheeganayo ee Khaatumo aan loo dhameyn, shacabka Dhulbahante iyo dadka degaankuna isku raacsanayn, sidaasdarteedna dhegaha ka furaysatay. Prof. Cali Khaliif hada Xamar ayuu wareegaalaysanayaa, waxaana loo badinayaa inuu gaadhay heerkii Caruurowga, oo uu dhaafay heerkii talo iyo tayiiso laga sugi lahaa, odoroskiina ka xidhmay, waxaana hubaal ah in ficilada uu ku kacayo aanu ka fekerayn waxa ka dhalan kara iyo meesha ay ku dambeynayso.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here