Cali Khaliif oo ku gorgortamaya dhiigii iyo dhibtii uu u geystay shacabka SSC

0

Waxaa laga warqabaa in bulshada degaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay ka mid ahaayeen bulshooyinkii ugu horeyey ee Maamul samaysta kadib markii Dawladdii Soomaaliya Burburtay, iyadoo tiroba inta la ogsoon yahay ay 4 maamul ka horeeyeen garabka Cali Khaliif ee xuduuda Itoobiya ku dhuumalaysanaya. Maamulada la dhisay waxay kala hayaayeen: 1. 1992 waxaa lagu qabtay Boocame1 waxaa loo bixiyey Sool, Sanag, Hawd (SSH) waxaa hogaamiye ka noqday Jamac C/lahi Shuriye, waxaa loo raray Boorame, Somaliland waxaa raray G. C/qani, Cali khalif, Xaabsade. 2. 1996 waxaa lagu qabtay Boocame2 waxaa loo bixiyey USP/SSH, waxaa hogaamiye ka noqday Maxamed Cabdi Xaashi, waxaa loo raray Garoowe, Puntland, waxaa raray Maxamed C. Xaashi, iyo dadka taageersan Midnimada + G. C/qani, Xaabsade oo SL kasoo caroday. 3. 2010 waxaa lagu qabtay Nayrobi/Burawadal waxaa loo bixiyey Sool, Sanag, Cayn (SSC), waxaa hogaamiye ka noqday Saleebaan Xaglotoosiye, waxaa loo raray Hargeysa, Somaliland, waxaa raray Xaglotosiye, Keyse, gudoomiyhii Baarlamanka, W/Maliyada Cismaan. 4. 2012 waxaa lagu qabtay Taleex Khaatumo2(Garabka 1aad) waxaa loo bixiyey Khaatumo, waxaa hogaamiye ka noqday Karash, indhashel, Biindhe, waxaa loo raray Garoowe, Puntland, waxaa raray Garabka 1aad Karash, Biindhe,iyo Isimo. 5. 2014 Saaxdheer, Eerigoo waxaa loo bixiyey Khaatumo (Garabka 2aad) waxaa hogaamiye ka noqday Cali Khalif Galaydh, waxaa loo raray ??????????? waxaa raraya ????????????? Dhowaan ayey ahayd markii Cali Khaliif uu ku dhowaaqay inuu Somaliland wadahadal la gelayo, kadib markii 3 sano oo colaad ah iyo fidmo ah kula dhex wareegayey shacabka walaalaha ah, isagoo diiday inuu soo golo fadhiisto ama qofkii yiraahda aan Somaliland wadahadalo caruurta iyo wax magaratada ku kicinayey. Cali wuxuu nabadgelyada diiday; Iyadoo aan boqolaal qof kalshaale ku dhiman. Iyadoo uusan Nuur Axmed isku dirin. Iyadoo Buuhoodle iyo Burco isku furan yihiin. Iyadoo ay jiraan degaano badan oo nabadgelyo ah. Maxay ahayd sababtu? Cali wuxuu doonayey in dhiiga shacabka walaalaha ah qiimihiisa kor ugu qaado, waxaa uu maanta ku gorgor tamayaana waa dhiigii agoomaha Buuhoodle, Taleex iyo kuwo kale oo badan, sidoo kale waa khasaarihii Reer Buuhoodle gaaray 3 sano ee ay Burco kala xirnaayeen, iyadoo la ogyahay in qofka Reer Buuhoodle ee Burco muraad ka yeeshaa uu Laascaanood ka soo wareegi jiray. Hagardaamada iyo Taloxumadda Cali Khaliif ma dhamaan, wuxuu doonayaa in uu sameeyo guddi uu u bixiyo gudiga siyaasadda iyo Wadahadalada, gudigaas oo uu doonayo in uu ka dhigto taageerayaashiisa uu ugu kalsoonida badan yahay oo siyaasaddiisa u fulin kara, waxaan meesha ka maqnayn in uu doonayo in uu qorshahan mar kale u isticmaalo Hangooladiisii uu hore u isticmaali jirey ee G10 oo ah aalad uu isticmaalo markuu muraad leeyahay. Wuxuu doonayaa in uu Shacabka SSC ku yiraahdo waxaynu qaadanaynaa talada gudiga aynu u xilsaarnay siyaasadda, taas oo gebogabadii shacabka Khaatumo uu ka tuuri doono meel aanay ka soo laaban karin. LA SOCO MAHADNAQ KU SOCDA ISIMADII, SHAQSIYAADKII IYO DEGAAMADII KA HOR YIHID CALI videopresentation]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here