Cali Khaliif oo la filayo inuu Nairobi u boodo tago iyo caruuraha tuulooyinka oo ka maadeysta

0

Warar laga helayo ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galaydh oo beryahanba ku dhuumaaleysanayey xuduudka ethiopia uu dhaqso ugu dhoofi doono magaalada Nairobi. Socdaalka Cali ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu u boodo tago koox yar oo ka carqaladaysay Indhosheeliyo canaasiir uu hogaaminayo oo Cali Khaliif uga qudhaaba Nairobi. Sidoo kale Cali khaliif oo hada godoon ah ayaa doonayo inuu helo meel uu ku yabyabto ururkii USP 2016 oo uu u arkay inuu damaciisa 2016 ku gaari karo, maadaama isku dayo badani ka fashilmeen. Kooxda Cali ka soo horjeeda ayaa waraaqo farabadan u gudbisay safaaradaha beesha Caalamku ku leeyihiin Nairobi, iyagoo codsaday in lagu caawiyo dhaqaale ay ku dhistaan USP 2016, laakiin waxaa lagu xidhay oo shuruud looga dhigay inay keenaan Isimadoodii, si loo qiimeeyo, kooxdani waxay u muuqataa NGO cusub oo dhaqqale doona, inkasta aanay suurtogal ahayn inay si sahala u helaan dhaqaalaha ay safaaradaha iyo hayada ka baryayaan. lama hayo maalin cad oo Cali Khaliif baxayo, maadaaba uu yahay nin dhuumaalaysanaya. Xaalada Cali Khaliif ayaa maraysa heer caruuraha tuulooyinku ay daba yaacaan oo medadaalo ka dhigtaan, halka isna uu shacab ka dhigto.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here