Cali Khaliif oo Maakhir ka soo xaday mid la mid ah Buuhoodlena yimid

0

Waxaa maanta Magaalada Buuhoodle yimid horjoogihii Saaxdheer Cali Khaliif Galeydh, oo beryahanba Muqdisho meehanaabayey. Cali Khaliif oo markuu Buuhoodle yimaado sidii aabe caruurtiisa nacnac u sida, hadyad yar keeni jiray sida Kiniinka kaneecada, Mid ka mid ah Askarta Gaafow ee socdaalka ayaa maanta keenay hadyadihii hore wax ka duwan. Cali wuxuu maanta keenay nin uu ku sheegay Axmed Cali Yakhle oo uu tilmaamay inuu Maakhir caloosha ku sito. Yakhle ayaa ah nin Cali la nooc ah, oo dad iyo dagaan uu metelaa aanu jirin, beeshoodana aan kalsooni ka haysan, islamarkaana siyaasada lagaga adkaaday oo beryahan dambe qarwareeg ahaa. Cali ayaa ku dhawaaqay ka naxow nafta waa, iyadoo aanay meesha oolin wax laga naxo. Cali Khaliif waxaa looga bartay hadalo iyo balanqaadyo been ah, ilaa hadana ama weligiis wax horumar ah oo uu keenay lama sheegin ama lama hayo. Sikastaba hayska ahaatee Cali Khaliif waxaa maanta Buuhoodle ku soo dhoweeyey dadka qaabilsan ka shaqeysiga soo dhoweynta, kuwaas oo ka hortaga hadba qofkii soo dhoweyn u baahan maamulka uu doono ha sheegtee. Daawo Horjooga Saaxdheer. https://youtu.be/8p4j93Nlb7I]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here