Cali Khaliif oo raaligelin caalwaa siiyey reer Maakhir (Ciyi waa ka beryey)

0

Kooxdii Cali Khaliif ayaa markii ugu horeysay raaligelin caalwaa siiyey reer Maakhir oo ay aflagaadooyin badan u geystay. Raaligelintan ayaa Beesha Warsangeli badankeedu ugu muuqan doonta ciyigii waa ka baryey ninkii cunay baa ka liita, waxaana cad in hadalada raaligelinta ee afka Cali Khaliif ka yimid ay yihiin kuwo dani keentay. Raaligelinta caalwaa ayaa waxaa sababay baahida ay u qabaan inay magaca Warsangeli isticmaalaan, iyagoo dhowaan degaanka Buuhoodle ku qaban doona shirar ay ku cadeyn doonaan inay la midoobeen. kooxdan waxaa dhaqan u ah inay dad yar meel isugu keenaan oo waraaqo la qor qortaan oo ku baryootan tagaan. Beesha Warsangeli waxaa la gudboon inay gartaan in Cali iyo kooxdiisu aanay metelin dadka iyo degaamada ay sheeganayaan, kana digtoonaadan xubnaha reer Maakhir ee doonaya inay fitnada Cali Khaliif ee xukun jacaylku madaxmaray faraqa ugu xidhaan. Cali Khaliif oo kala qaybiyey tolkii iyo degaankiisii, wax degaan ah oo uu gacanta ku hayaana jirin, geed hoostii buu yuurura, dadka Sool iyo Sanaagna aanay ogolayn wuxuu la wareegayo, degaamadoodana ma imaan karo, Warsangelina intuu duulo Balicad lama shurci iyo xuduudka Itoobiya lama shurci karo, sidaas darteed waxaa la gudboon inay ka fogaadaan fekradaha ma dhalayska ah ee ay keentay caalwaanimada siyaasadeed iyo gudoonka la geliyey Cali Khaliif iyo kooxdiisa. Daawo Kooxda: https://youtu.be/2XBbw0yh77s]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here