Cali oo Kalsoonidii lagala noqday, WARSANGELI oo ka durkay iyo Shirqoolkii Garaadka oo ka fashilmay

0

Sida ay qortay shebekada xaysimo.com:

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa hawdka ku dhuumaaleysta ayaa sheegaya in Oday Cali Khaliif ku sugan yahay xaalad fashilan iyo caalwaa ah. Beesha Degta degmaada Sool iyo Sanaag ee Maxamuud Garaad ayaa kalsoonidii kala noqotay, islamarkaana degaamadooda ka mamnuucday, iyadoo xubnihii ugu dambeeyey ee kooxdiisa ku jiray oo uu ka mid yahay Yuusuf Shirtag, iskaga huleeleen. Waxaana kooxdiisa ku hadhay qaadwaleyaal iyo dilaalin uu banaanka ka urursada oo aan dad iyo degaantoona metelin. Isimada soo jireenka ah ee Gobolka Sool iyo Sanaag sida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur ayaa xaaraantinimeeyey la kulanka Cali Khaliif Galaydh. Dhanka kale Warar naga soo gaaraya Beesha WARSANGELI oo uu doonayey inuu sanadkan 2016 ku Awr kacsado ayaa la sheegayaa inay iska fogeeyeen sharka iyo fitnada uu la wareegayo, iyadoo la cadeynayo in SALDANADA WARSANGELI goaansatay in aanay naftooda iyo Beesha Reer Maakhir ku ceebayn fekrad madhalays ah oo la rafanayo nin tolkii kala dilay oo geed hoostii ku khafiifay, dad iyo degaantoona haysan. Beesha WARSANGELI ayaa la sheegayaa inay isku raacsan yihiin in hadii ay Maamul la shurkayaan ay kala hadlaan dadka ay wada degaan degaamada Sool iyo Sanaag, balse aanay diyaarad u raacin xuduudka Itoobiya. Waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu dhowr ka mid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ee ka soo jeeda Beesha Warsangeli u kaxaysto Buuhoodle, taas oo aan la garanayn sida loo halayo xildhibaan isku qaada dhalanteedka Maamul sameynta Khaatumo iyo Maakhir ee Cali Khaliif doonayo inuu ku guuro Hiigsiga 2016. Dhanka Magaalada Muqdisho kooxdii Shirqoolka Garaad Sleebaan ka fashilmay ee ay hogaaminayeen Cali Khaliif, Indhosheel iyo Shirkada HASS PETROLEUM ayaa 3 maalmood ee ugu dambeeyey isku dayayey inay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed la kulmaan si ay raaligelin uga bixiyaan Shirqoolkii, laakiin Garaadka ayaa diiday inuu arko ama la kulmo. Waxaana la filayaa inay ku mashquulsan yihiin Shirqoolo kale. Sida uu sheegay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Somaliya ee NISA Abdirahmaan Tuur-yare, magaalada Muqdisho waxaa wax dila waa, Ganacsato, Shirkado, Dhul-boob Iyo Xil-doon, Mooryaan, Qabaa’il iwm, iyadoo Shirkada HASS PETROLEUM ka mid tahay shirkada shircidarada Somaliya ka faaiiday oo waxay doonaan sameyn kara. Horey Magaalada Muqdisho waxaa loogu dilay Alle haw naxariistee Xildhibaan Aadan Yare oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, mudo dheerna ka soo horjeeday Cali Khaliif Galeydh, xili uu sida Garaadka baadhis Caafimaad u tegay Muqdisho, ilaa hadana lama hayo cid sheegatay masuuliyada dilkii foosha xumaa ee Marxuum Aadan Yare loogu geystay Muqdisho. DAAWO HADALKII TUURYARE: https://youtu.be/r_0s6Ac9sfg Source: xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here