Camey Buuhoodle Cali baa ka qaaday Sool iyo Sanaag taageero kama haysto kumanaana jeebkuu ku shubtaa

0

Waxaa muuqata oo aan laga murbi karin in tan iyo maalintii Madaxweyne ku xigeenka Puntland loo doortay Cabdixakiim Cabdilahi Cumar Camey ay sii kala fogaanayeen Dhulbahante iyo Puntland. Camey oo ka soo jeeda Buuhoodle iyo Kilinka 5aad waxaa degaamadiisii ka qaaday Cali Khaliif Galaydh oo iminka ku dhuumaalaysanaya Buuhoodle iyo xuduudka kilinkii 5aad. Waxaa kale shacabka Puntland badankiisu wada ogsoon yahay inuu kaalintiisii gabay oo uu xoogiisii iyo waqtigiisii isugu geeyey ama ku lumiyey siduu u sii fogayn lahaa Siyaasiyiinta ka soo jeeda degaamada Sool iyo Sanaag oo uu ka ceshiimaynayo Puntland kuwaas oo uu u arko inay khatar ku yihiin booskiisa. Maanta waxaa cadaan ah in xidhiidh Sool iyo Sanaag iyo Puntland u dhaxeeyaa uu yahay Garaadka Guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Cali Khaliif iyo kooxdiisa iska hortaagay inay ku guuleystaan isku dir iyo iska horkeena shacabka Harti, iyadoo haddii aan siyaasada Puntland wax laga bedelin ay dhici doonto in xadhiga Garaad Saleebaana uu go’o oo ay halkaas ugu dhamaato Puntland iyo beelaha Sool iyo Sanaag Barri. Camey bishii miisaaniyadiisa sharciga ah ee jeebkiisa ku dhacdaa waa 15000$, intaas waxaa ka badan lacagta kale ee sida dadban u soo geli kartaa oo jeebkiisa ku dhacda ama uu u isticmaalo xumaanta, shacabka Puntlandna aanu waxba ugu qaban ama uu ku sii waxyeeleeyo, waxaana dhaqankiisu ina tusinayaa inuu u soo shaqo tegay Puntland, islamarkaana uu Cali Khaliifna hoosta kaga raacsan yahay oo kala shaqaynayo in degaamada Sool iyo Sanaag Puntland ka ogaan. Hadaba si loo badbaadiyo midnimada Puntland waxaa shacabka, Madaxweynaha iyo Xildhibaanada Puntlandba la gudboon inay arkaan inaan Puntland ku sii jiri karin xaalada ay iminka ku sugan tahay oo loo baahan yahay in Madaxweyne kuxigeenkan fadhiidka ah oo aan degaan u metalaa jirin, xilka laga xayuubiyo oo lagu bedelo masuul dib u soo celin karaa midnimadii Puntland. Shacabka Sool iyo Sanaagna way soo dhoweyn doonaan talaabo kasta oo wax lagu saxayo. RAYIGA DADWEYNAHA ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here