Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtey hub badan[Daawo Sawirrada]

0

  Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka baaritaano ciidanka amaanku ku baadi goobayaan hubka sharci darrada ah iyo malayshiyaadka aan ciidanka ka diiwaan gashneyn, kuwaas oo ka qayb-qaata amni darada magaalada, halka qaarkood gabbaad u noqdaan kooxaha argagixisada ee falalka dilalka ah ka geysta Muqdisho.
Habeenkii Xalay ayaa ciidanka amanaaku mar kale baaritaan ka sameyeen degmada Dharkeynley oo kamid ahayd meelaha ugu badan ee lagu diley shaqaalaha Dowladda saddexdii sano ee u danbeysey. Ciidanka ayaa soo qabtey hub iyo rasaas badan, sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro isku dayey in ay ka hortagaan ciidanka amniga. Siyaasiyiintii hore, xitaa guddoomiyaasha degmooyinka ee xilalka laga qaadey ayaa ciidamo faro badan ku haysta gudaha magaalada waxaana u xiran jidadka qaarkood, qaarkood waxaa u yaala isbarooyin. Xukuumadda Raysalwasaare Xasan Cali Kheyere ayaa amar ku bixisey in ciidamada Mileteriga laga saaro magaalada laguna xereeyo Balli-doogle, kadfib waxaa magaalada laga hawlgeliyey ciidamo isugu jira Boolis iyo Milteri kuwaas oo habeenkasta baaritaan ka sameeya xaafadaha Muqdisho. Waxaa si weyn u soo hagaagey amniga magaalada, waxaa hoos u dhacay dilalkii qorsheysnaa, mana jiro hal weerar oo al-Shabaab ay magaalada ka geysteen tan iyo markii hawlgalkan cusub bilowdey, waxaa si weyn hoos ugu dhacay hubkii faraha badnaa ee dariiqyada lagu sitey, gawaaridii gaashaamneyd ee xawliga ku socon jirtey. Agaasimihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa horay u sheegay in Muqdisho aysan dilalka ka geysan al-Shabaab oo keliya ee ay jiraan kuwo kale oo ka qaybqaata amni darada, waxna u dila arrimo siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Kadib hawlgalka xasilinta waxaa soo baxay kooxo isku dayaya in ay dadka ku kiciyaan beelo gaar ah ayaa hubka laga dhigayaa, aargoosi ayaa socda iyo hadalo ay dalka iyo dadkaba dib ugu celinayaan fawdo, waxaana ay wararkooda ku faafiyaan shabkadaha bulshada xiriiriya, iyada oo xasilinta Muqdisho ay dan u tahay dhamaan ummadda Soomaaliyeed aynsa oo celineyso maqaamka caasimadda oo noqon karta goob dowladdu si xasilan ugu shaqeyn karto. Goojacade.com Muqdisho-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here