Ciidamada AMISOM oo Sheegtey dilka ilaa 5 Sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsan

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta waxa ay dagaal la galeen ururka Al-shabaab, waxayna Sheegteen in ay dileen ilaa 5 Sarkaal oo Al-Shabaab ka tirsan Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ay wajaheen deegaano ku yaala duleedka Afgooye oo Shabaabka ay ku sugan yihiin. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dalbadeen gurmad badan oo ciidan ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada Huwanta ee weerarka lama filaanka ah ku soo qaaday. Dagaalkan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay soo kala gaaray, inkastoo ilaa iyo hada aan la xaqiijin karin tirada saxda ah. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. War kooban oo goordhow AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta ay ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ay la galeen Al-shabaab lagu dilay 5 sarkaal. Dhanka Al-shabaab ayaanan wali wax war ah ka soo bixin.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here