Ciidamada Booliiska oo soo bandhigay 5 askartii ee AMISOM ee iibinayey qalabkii AMISOM

0

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shan askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo kala iibsanayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM. Askarta iyo dadkaan ayaa ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay ka qabteen garaash ku yaala wakaaladdii hore ee biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen. “Waxaan ku qabanay Alaabo badan oo ay Iibinayeen kuwaasi oo ka mid ah qalabka AMISOM, waxaana ku jira Jawaanada Difaaca, Telephone-no, Qalabka Rasaaska lagu qaato, Shidaal badan iyo Alaabo kale.” sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa asna dhankiisa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay sharciga la horkeeni doono, wuxuuna ciidanka amaanka ku amaanay talaabadaan ay qaadeen. Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowlada Soomaaliya. Taliska ciidanka AMISOM ayaanan arintaan wali wax war ah ka soo saarin.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here