Ciidamada Ciraaq oo si fudud ula wareegay magaalada Kirkuk

0

Dagaalka ciidamada Ciraaq kula wareegeen Kirkuk ayaa bilowdey maalintii shalay, kadib markii ay dhamaatey wakhti kama danbeys ah ee loo qabtey  Malayshiyadka Beshmerga in ay isaga abxaan Kirkuk. Magaalada Kirkuk ayaa si weyn looga qaxcay, dadka degan 49% waa Kurdi, sidoo kale Malayshiyaadkii Kurdiyiinta ayaa dhanka Waqooyi uga baxay magaalada. Gobalka Kirkuk ayey sanadkii 2014 isaga baxeen ciidamada Dowlada dhexe kadib markii ay halkaasi soogaleen xoogaga Daacish, balse waxaa halkaasi kooxa ISIS ka saaray ciidamada Bashmerga ee Kurdida oo sanadihii lasoo dhaafay halkaasi maamulayey. Dowlada dhexe ayaa sheegtay inay dhulkaasi dib ulla wareegi doonto kadib aftidii dhowr todobaad kahor ay Kurdida u codeeyeen gooni u goosad.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here