Ciidamada Danab oo dilay sarkaal Shabaab ka tirsan iyo amiirkii Janaale oo

0

Ciidamada Kumaandooska Somalia ee DANAB ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasoo horay dowladdu ay madaxiisa lacag u dul dhigtay, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Cali Dhoore oo Al-Shabaab u qaabilsanaa amniyaadka iyo toboneeyo kale oo ilaaladiisa ka tirsanaa. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Cali Baashi ayaa xaqiijiyay in howlgal xalay ay qaadeen Kumaandooska Soomaaliya, kana fuliyeen Shabeellaha Hoose inay ku dileen Xasan Cali Dhoore oo kooxdaasi u qaabilsanaa Amniyaadka, iyo Toboneeyo Maleeshiyaad ah oo la socday. Abaanduulaha ayaa sheegay in Xasan Cali Dhoore uu aha horjooge muddo la daba socday iyadoo lagu dilay howlgalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Xalay shaaciyay inuu socdo, waxaana fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB. Hor-joogahaan ayaa hore madaxdiisa lacag u dul dhigtay dowladda Soomaaliya, wuxuuna Madax ka ahaa qaybta Amniyaatka ee Alshabaab oo ah kuwa fuliyay Dilalka qorshaysan. Howlgalkan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay ciidamada DANAB ee Kumaandoosku ka fuliyaan Shabeellaha hoose. Dhinaca kale, duqeyn ay fulisay diyaaraddaha kuwa aan duuliyaha laheyn ayaa lagu dilay Amiirkii Al-Shabaab ee deegaanka Janaale iyo saraakiil kale xili ay ku shirsanaayeen deegaanka Kaaytoy oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wax faah faahin ah lagama haayo diyaaradda duqeynta fulisay, hase ahaatee waxaa loo badinayaa in kuwa Mareykanka ay tahay, maadaama mudooyinkii danbe Mareykanka uu beegsanayay saraakiisha AL-Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here